Wargeysyo ka soo kala baxa Israa’iil iyo Maraykanka, oo ay ka mid yihiin, The Times of Israel iyo Judicial Watch ayaa Ilhaan Cumar ku cambaareeyay in ay “taageertay

0

Wargeysyo ka soo kala baxa Israa’iil iyo Maraykanka, oo ay ka mid yihiin, The Times of Israel iyo Judicial Watch ayaa Ilhaan Cumar ku cambaareeyay in ay “taageertay Hormuud”, ayna ciidamada nabad ilaalinta ka dalbatay in la ilaaliyo shirkadda iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Ilhaan ayaa barteeda Twitterka ku qortay farriin ay ku cambaareysay weerar lagu burburiyay xarun ay lahayd shirkadda oo ku taallay xudduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Illaa iyo hadda macadda cidda weerarka qaaday, balse shirkadda ayaa sheegtay in horey looga burburiyay in ka badan 11 xarumood oo ku yaallay xudduuda labada dal.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa dhankeeda cambareysay burburinta biraha isgaarsiinta Hormuud.

Wargeysyada waxay soo xiganayaan warbixinno horey loo qoray oo aan la caddeyn karin, kuwaas oo shirkadda eedeyn u jeedinaya.

Wargeyska ka soo baxa Israa’iil ayaa soo xigtay warbixinno ay Qaramada Midoobey qortay. Waxay warbixintooda cinwaan uga dhigeen “Ilhaan Cumar waxay si aan qorsooneyn u taageertay urur xumaan ku can baxay”.

Sidoo kale Judicial Watch ayaa daabacay in Ilhaan ay “dalbatay in la difaaco shirkad uu aasaasay qof mar lagu eedeeyay inuu maalgeliyo argagixiso”.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan congress-ka Mareykanka ayaa 25-kii August boggeeda twitter-ka ku qortay “Waxaan aaminsanahay in la ilaaliyo lana difaaco waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka , gaar ahaan iyadoo ay socdaan weerararada joogtada ah ee argagixisada

BBC ayaa la xiriirtay afahyeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna, wuxuuna ka gaabsaday in uu ka hadlo eedahaas uga yimid dhanka dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Hormuud.

Balse shirkadda ma oga sababta loo burburiyo xarumahooda xudduudda ku yaalla wuxuuna madaxa warfaafinta ee Hormuud sheegay “Waa marmarsiiyo ammaan, innaga siyaasiyiin ma nihin, waxaan nahay dad shacab oo ganacsato ah “.

Isgaarsiinta Hormuud waxaa laga adeegsanaa inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxayna sheegayaan in aysan jirin cid ay la leeyihiin xiriir dhanka amniga ah”.

“Wax xiriir ah oo nalala soo sameeyay ma jiro, cid aan dhibaato ku hayno ma jirto, ma garaneyno sabab ay noogu marmarsiyoon karaan,” ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Cosobow, Agaasimaha warbaahinta iyo suuq geynta ee shirkadda Hormuud.