Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah Sharukh Khan ee loo gudbiyay maxkamadda sare?

0

Maxkamadda sare ee gobolka Calcutta ayaa ku amartay jilaaga caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan inuu diiwaan galiyo warqad dhaar ah oo uu ku caddeynayo nooca uu yahay xiriirka uu la leeyahay Mac-hadka Qorsheynta iyo maamulka ee magaalada Delhi(IIPM), sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Hindiya, oo ay ka mid yihiin wargeyska Hindustan Times iyo telefishinka NDTV.

Garsoore Debangshu Basak oo ka tirsan maxkamadda ayaa dhageysanaya dacwad ay gudbiyeen labo arday oo wax ka tirsanaa machadkaas, oo horay u xiray qaar ka mid ah laamaha uu ku lahaa waddanka.

Ardayda ayaa sheegay inay xaruntan waxbarasho uga khasaartay lacag dhan Rs 20 lakh(oo u dhiganta qiyaastii $28,000 oo doolar), qofkiiba, taasoo ay bixiyeen markii ay iska diiwaan galinayeen mac-hadka IIPM.

Maxay baryahaan si qarsoodi ah ugu kulmaan Shahrukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan?

Shah Rukh Khan oo si layaab leh oga jawaabay su’aal la weeydiiyay

Qareenka u doodaya ardaydan, oo lagu magacaabo Debanjan Dutta ayaa Khamiistii maxkamadda sare u sheegay in madaxa caddaaladda ee ku sugan maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada Delhi uu sanadkii 2017-kii ku dhawaaqay in mac-hadka IIPM uu yahay mid been abuur ah oo aan wax tayo ah lahayn.

Dutta ayaa sidoo kale dalbaday inay mac-hadkaas baaritaanno ku sameyso waaxda dambi barista dalka Hindiya ee magaceeda loo soo gaabiyo CBI.

Wuxuu qareenku intaas ku daray in labada arday ay bishii Maarso ee sanadkii 2018-kii dacwad geeyeen saldhigga booliska ee magaalada Salt Lake, laakiin aan wax baaritaan ah la sameynin.

Bishii Nofember ee isla sanadkii 2018-kii, tallaabo kale oo ay qaadeen ayey maxkaadda sare ee Calcutta ugu gudbiyeen kiis si wadajir ah musuqmaasuq loogu eedeynayo Shah Rukh Khan, mac-hadka IIPM, ninka maalgalinta u sameeya machadkan oo lagu magacaabo Arindam Choudhuri iyo shirkadahooda kaleba.

Waxay sheegeen inay dhammaantood galeen fal-dambiyeed meel looga dhacay aaminaadda shacabka isla markaana lagu taageeray dambiileyaa