Wasaarada Horumarinta gaadiidka o Amaro Adag Dul dhigtay cidii u Hogaamsami wayda shuruucda wado marida gaadiidka

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Sahal

Maxamuud Jaamac ayaa sheegay in ay xidhayaan ciddii u hoggaansami-wayda awaamiirta ay soo saarto wasaaraddu iyo ciddii ka hor timaada qalabka xadidaada xawaaraha gaadiidka, kaas oo lagu xidhi doono gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

 

Sidoo kale, waxaa uu daboolka ka qaaday inay keenen agabka badqabka gaadiika kaasi, oo uu tilmaamay in dhammaan lixda gobol ee dalka laga furi doono.

 

Dhanka kale, waxaa uu xusay in qalabkan xadidaada xawaaraha gaadiidka in aanu u baahneyn wax mucaaradada, waxaanu sidan ka sheegay munaasibad lagu daahfurayay barnaamijkan oo ka dhacday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Sahal Maxamuud Jaamac isaga oo ugu horreyn arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo oo diinteena Islaamku waxaa ay u soo degtay inay nafteena badbaadiso, in qofka Muslimka ah ay cirdigiisa badbaadiso, maalkiisa badbaadiso, cafimaadkiisa badbaadiso, inaga maanta qof la leeyahay naftaada ayaan badbaadinayaa oo ka murmaya waa dhib, qalabkani dunida oo dhan ayuu ka shaqeeya, inaga jidadkii ay Shiinuhu inoo dhiseen 1970-kii oo hal haad ah oo waliba burburay oo haad kaliya ah, kaasi ayaynu dooneynaa in aynu sidaynu doono aynu u socono, ma noqoneyso oo qofka bini’aamka ahi naftiisa in la badbaadiyo masuulkasta xil baa ka saaran, Baska shacabka sida ee bulsho badani saaran tahay iyo kuwa yidhaaha ciyaalka Saloolka ayaanu soo daadineynaaba xawaare siddeetan ka badan in aanay dhaafin karin sidu doono haduu u socdo, gaadiidka qaadka waanu u dulqaadanay oo 120 ayaanu ka dhignay, Booyaddaha oo dad badan qaba waanu ku khasbaynaa Booyad iska soconeysana ma jirto, oo aan qalabkani ku xidhneyn, iyaga ayaanu ka bilaabeynaa tii diidana waa laga dhigaya qofka waa in dawladda amarkeedu shaqeeya shacabkuna ay la shaqeeyaan, waxaa ku jirta waxaan bulshadan u aheyn anaguba keeni meyno, wax aanu ka ganacsaneyno maaha, markii la eegay waxaa la yidhi shilalku maxay ku soo noq-noqdaan, bulshadeena inta caadi u goda iyo inta shil ku dhimata inta shilka ku dhimata ayaa badan”

 

Sidoo kale mudane Sahal waxaa uu cadeeyay inay keenen agabka badqabka gaadiidka kaasi oo u tilmaamay in goboladda dalka oo dhan laga daahfuri doono waxaanu yidhi “Qalabka Bad-qabka gaadiidka waa la keenaya lixda gobola waa laga daahfuraya, gaadhi aan u qalmin inuu umad qaado socon maayo, liisanka ayaanu sido kale adkeynay, qofku marka uu Qoriga qaato waxaa uu is yidhaaha cid kaa adigi ma jirto marka uu gaadhiga leewarka qabtana cid kaa adigi ma jirto oo madaxa ayuu ka goynaya waanu soo xadideynaa, arrintani mucaaradda ma leh ee waa umaddan badbaadadeedi, waar Isheenu waxaa wanaagsan ha aragto maskaxduna haw shaqeyso sida quman.