Hogaamiyihii ugu Awooda Badnaa Maafiyadda Dalka Talyaaniga Ayaa Diinta Islaamka qaatay.

0

ninkii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa Maafiyadda Dalka Taylaanigga iyo guud ahaanba Yurubta bari,ayaa haatan isu-bedelay Daaci weyn oo Dadka ugu baaqa qaaddashadda Diinta Islaamka.

Vince Fuclari,waxa lagu tilaamaa inuu ahaa shaqsiyaadkii sida weyn looga baqi jiray ee soo mara taariikhda Maafiyadda tan iyo qarnigii 19-aad oo ahaa xiligii ay sida weyn uga soo shaacbaxeen Yurubta Galbeed iyo qaaradda Maraykanaba Kooxa Maafiyadda ee ku lugta yeesha Danbiyadda abaabulan.

Ninkan,ayaa ka badbaaday Ugu yaraan Lix shirqool oo lagu khaarajinayay,kuwaas oo uu jiro mid lagu dilay Wiilkiisii.

Ka dib markii uu wiilkiisii ku waayay hawl-galadda Khatarta ah ee uu ku lugleeyahay,waxa uu bedelay qaabkii nololeedkiisa,ka dib markii uu dhugtay A’aayado qur’aanka karriimka ah oo uu sheegay inuu dareeemay inay isaga si toos ah ula hadlayaan.

Waxa uu sheegay Vince Fuclari,inay si gaar ah u taabteen ayaa’do qur’aanka karriimka,kuwaas oo qeexaya inay  Umad kasta oo Dunidda ku kor nooli ay leedahay Muddo go’an,mudadaasi markay dhamaatana aan saacadna dib looga dhigayn,horena loo soo qadimahayn.

Waxaan ka istaagay wax kasta oo aan ku fooganaa,waxaanan go’aansaday in aan Diinta Islaamka qaato,magacaygiina Vince Fuclari,waxaan u bedelay Cabdusalaam.

Vince Fuclari,waxa uu ahaa shaqsi si weyn looga baqo,xataa Ciidamadda ammaanku wey ka cago jiidi jireen inay ku dhiiradaan inay wax-ka-qabtaan Danbiyadda uu geysto,ka dib markii uu Diinta Islaamka qaatay,Magaciisana uu bedelay LCabdulsalaam,waxa hudheel Cunto,kaas oo ugu talo-galay inay wax-ka-cunaan dadka da’nyarta iyo dadka Jidadka ku nool.

Waxa iyugana Diinta Islaamka qaatay dad badan oo ay isku kooxo ahaayeen iyo xataa Xaaskiisa,inkasta oo ay markii hore ka biyo diiday go’aankii uu ku qaatay inuu Diinta Islaamka galo.

Waxay sheegtay in markii hore Ninkeedu ahaa mid aad u dhib-badan,isla-markaasna uu si joogto u dili jiray,uuna isticmaali jiray Khamri joogto iyo Daroogooyin kale,balse markii uu diinta Islaamka qaatay uu noqday Mid Jacayl iyo Naxariis badan,taas ku qancisay inay Diinta Islaamka soo gasho.Vince Fuclari oo haatan loogu yeedho Cabdusalaam,waxa uu sheegay in soo galitaankiisa Diinta Islaamku ka dhigtay sidii oo uu mar labaad dib-u-dhashay,waxaana uu intaas raaciyay in aan la qiyaasi karin Farxadda xad-dhaafka ah ee uu dareemayo.