Gaadhi Noociisu yahay Lankuruzer ayaa galabta dablay hubaysani ku dhacday ceel cade o shan km bari ka xiga  magaalada ceeri gaabo

0

Ceeri Gaabo, [Biyo Guurenews]Gaadhi Noociisu yahay Lankuruzer ayaa galabta dablay hubaysani ku dhacday ceel cade o shan km bari ka xiga  magaalada ceeri gaabo

Darawalkii baaburkan  Ayaanle cali Qodax  o khadka Telofanka ugu warmay warbaahinta ayaa  xaqiijiyay in ragaasi hubaysani ay kaxaysteen  gaadhigiisii,

Darawalka aya sheegay in ragani aany meel dheer ka imanin laakiin ay degaanka tuulada ahayeen  maanta  oo dhana  ay la joogeen,

waxaanu intaa ku daray in uu u shaqaynayay  Hay,ada Care International oo degaamada  dadkii dhibaatooyinka abarahu haleeleeen u qaybinaysya lacag, xiligaana  gaadhigiisa o kaliya u sugnaa  goobta,

Darawalka  cali qodax aya intaa kusii daray in ay markiiba  warkooda gadhsiiyeen ciidamada amaanka iyo masuuliyiinta gobolka sanaag