Wargeys Ka Soo Baxa Dalka Uganda Oo Waxka Qoray Dullucda Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagay Jabuuti!

0

Wargeyska East African Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa ka faalooday Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Jabuuti.

Siday baahisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay Warbixinta Wargeyska East African Business Week, oo ciwaankiisu ahaa “Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku tagay Jabuuti si uu kor ugu qaado cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya labada Waddan.”

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in booqashada madaxweyne Muuse Biixi ay ka dhalatay martiqaad uu ka helay dhigiisa Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu tilmaamay inay wadajir uga xaajoonayaan arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha iyo ganacsiga dhinaca xeebaha.

Waxa kaloo Wargeysku intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay ballaadhinayso marsaddeeda Berbera, halka dawladda Jabuutina ay kor u qaaday dekedda Jabuuti.

Warsiduhu wuxuu intaas in Jamhuuriyadda Somaliland oo aan wali rasmi ahaan loo aqoonsani ay haddana cilaaqaad wanaagsan la leedahay dalalka la jaarka ah, gaar ahaan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in dalalka Somaliland iyo Jabuuti ay tusaale wanaagsan u yihiin soo jiidashada maalgashiga shisheeyaha iyo martigelinta quwadaha millatariga adduunka.