Qiimaha duullimaadyada rakaabka ee Kismaayo-Nairobi oo sare u kacay

0

Waxaa toddobaad laga joogaa markii Hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ay shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay in dhamaan duullimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ee Magaalada Kismayo in ay soo maraan Muqdisho.

Arrintan waxay timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashadii Jubbaland oo ay ku tilmaamtay “iscaleemo saar”.

Go’aanka Dowladda ay ku soo rogtay duullimaadyada oo u muuqda mid dhaqan galay ayaa saameyay dadka rayidka ah ee adeegsada diyaaradaha isaga kala goosha Magaalooyinka Nairobi iyo Kismayo.

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Soomaalida ee taga Kismayo ayaa sheegay in ay kordhiyeen qiimaha lagu raaco diyaaradaha, ayna ugu wacan tahay go’aanka Dowladda.

“Walaaca aan qabno wuxuu yahay in muddadii lagu safri jiray ay markii hore ahayd saacad iyo bar markii uu duulimaadka uu ahaa toos, hadana Muqdisho in la maro ayay noqotay oo wakhtiga wuu dheeraaday, dadka rakaabkana dhib ayay ku noqotay wayna iska dhaafeen safarka, anaguna dhibaato ayey nagu noqotay”, ayuu yiri Cabdi Macalin oo ah maamulaha shirkadda Freedom Airline oo ka mid ah diyaaradaha taga Kismaayo.

Qiimaha ayuu sheegay in markii hore uu ahaa $230 doolar, haatanna oo “Muqdishu aan marno wuxuu noqday $290 doollar.

Cabdi ayaa intaa raaciyay in dad badan ay iska dhaafeen safarka dheer, qarash badan na uu kaga baxo marwalba oo ay diyaaradda caga dhigato Kismaayo iyo Muqdisho.

“Inkastoo qarashka diyaaradda lagu daray haddana taas wali kuma filna, sababto ah qiimaha ayaa aad u badan oo khasaaro ayaa inaga soo gaaraya”, ayuu raaciyay.

Arrintan ayuu Cabdi sheegay inay ku kooban tahay Kismayo oo kaliya, Magaalooyinka kale ee Soomaaliyana ay diyaaradaha si toos ah u tagaan weli, wuxuu intaa raaciyay in Dowladda Soomaaliya ay ka warqabto dhibaatada, aysan u baahneyn inay ku wargeliyaan.

“Maadaama aan diyaar u nahay in aan u adeegno macaamiisha, waxay noqoneysaa in sharcigan ay soo rogtay Dowladda aan u hogaansanno oo aan Muqdisho marno, inkastoo khasaaro ay nagu tahay”, ayuu ku daray.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan joojin doonin amaba aysan yareyn doonin duullimaadyadii ay ku tagi jireen Magaalada Kismayo.

Go’aanka oo ka soo baxay hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ayaa BBC-da waxay isku dayday inay wax ka weydiiso Dowladda federaalka, gaar ahaan hay’adda duulista, balse weli jawaab nama aysan siin.

Magaalada kismayo waxaa tago duulliimaadya badan oo isugu jiro kuwa maxali ah iyo kuwa caalami ah, waxaana sidoo kale tago diyaaradaha AMISOM, kuwa gaar ah iyo diyaaradaha Hay’adaha.

Sidoo kale waxaan kala caddeyn in arrintan ay saameyneyso diyaaradaha oo dhan iyo tallaabada ay dowladda Soomaaliya ka qaadi karto kuwa ku xadgudba amarkan.

Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo muddo soo jiitamayay wuxuu sii xumaaday ka dib doorashadii maamulka oo hadda laba toddobaad laga joogo.

Musharrixiintii mucaaradka ayaa sheegay in ay diideen hannaankii doorashada, waxayna dhankooda kala sheegteen in ay kala doorteen laba “madaxweyne” oo kale.