Faysal Cali Waraabe Oo Shuruud Ku Xidhay Ka Qayb Galka Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubboland

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka hadlay doorashadii Axmed Madoobe loogu doortay mar kale madaxweynaha Jubbaland.

Faysal Cali ayaa ugu horeyntii Axmed Madoobe ugu hambalyeey xilka uu markale ku guuleeystay ee hogaaminta Jubbaland, isagoona shuruud ku xidhay inuu ka qeyb-galo caleemo saarkiisa.

Faysal ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay door weyn ka qaadan doonaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee soo socota, isagoona taasi ku micneeyay in ay ka hortagayaan waxyaabo socda oo uu ku sheegay in aan loo dulqaadan karin.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Axmed Madoobe waanu tahniyadeynayna, anigu ma jecli in Soomaaliya shan qabiilo loo qeybiyo, laakiin mar hadey ku heshiiyen in faro-gelinta laga daayo weeyi, weliba hadey meesha nabad-gelyadeedu ay fiicantahay caleemo saarkiisa wan tagayaa insha-allah”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya waxay maanta gacanta ugu jirtaa gacmo shisheeye, waxaana ka talinaya waddamo aynu garaneyn. Inagay na sugeysa Soomaaliya, waxaana jecelnahay in aan gacan ka geysano doorashada soo socota, waxaana kala dagaalamayna in uu dagaal qabaa’iil ka dhicin, waayo waxa socda wax loo dulqaadan karo maaha, waadna aragteen wixii baydhabo ku dhacay”.