Fannaanad caan ah oo dhacdo aan la fileyn ku geeriyootay iyadoo masraxa toos uga heeseysa

0

Fannaanad u dhalatay waddanka Spain, oo qaadda heesaha loo yaqaanno pop-ka ayaa geeriyootay ka dib markii uu ku dhacay bulaleyr ku qarxay goob ay ka socotay munaasabad ay si toos ah uga heeseysay.

Joana Sainz Garcia, oo 30 jir ah ayaa xilligaas ka qeyb galeysay bandhig ay sameynayeen kooxda ay ka tirsantahay oo lagu magacaabo Super Hollywood Orchestra.

Xafladda musiibada isku baddashay ayaa ka dhaceysay meel u dhow magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain.

Maalintii Axadda, Bulaleyr loogu tala galay masraxa ayaa ku qarxay meel u dhow halkii ay taagneyd fannaanadda, waxayna isla markiiba gashay koomo.

Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa durba isbitaalka ula cararay Ms Sainz, halkaasoo ay markii dmabe ku geeriyootay.

Qiyaastii 1,000 ruux ayaa daawaneysay bandhigga ay fannaanadda ka heeseysay, oo ka socday magaalada Las Berlanas, oo dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Madrid.

Muuqaal lagu shaaciyay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinaya xaaladdii ka dhalatay bulaleyrka qarxay, ee sababay inay Ms Sainz dhulka ku dhacdo.

Nin dhakhtar ah iyo kalkaaliso ayaa ka mid ahaa dadkii ku xoomay fannaanadda, ka hor inta aysan imaanin dhakhaatiirta gurmadka ah, sida ay shaacisay warbaahinta El Diario Montanes.

Ms Sainz, oo kasoo jeedda magaalada Santander, ayaa lagu soo warramay inay ahayd shakhsiga ugu muhiimsan ee ku jiray kooxda Super Hollywood Orchestra.

Kooxdaas ayaa ka kooban ilaa 15 ruux oo isugu jira, fannaaniin, abwaanno iyo ciyaartoyda qoob ka ciyaarka.

Waxaa kooxdan la siiyay qandaraaska dhinaca fanka ee munaasabadda Las Berlanas, kaasoo loogu talagalay inuu socdo muddo 4 maalmood ah