Home Wararka Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadley Roobab Kashaare Geystay Oo Hargeysa Ka...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadley Roobab Kashaare Geystay Oo Hargeysa Ka Da,ay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Gobolka maroodi-jeex, maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Dab-damiska, ilaalada madaxtooyada iyo Xubno ka mida golaha wasiirada ayaa kormeer ku soo maray khasaaraha uu geystay caawa roob laxaadleh oo ka da’ay galabta Magaalada Hageysa iyo Nawaaxigeeda, kaasoo geystay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.

Waxaana Madaxweynaha warbixin ka siiyey khasaaraha roobku geystay masuuliyiintii ku hawlanaa gurmadka iyo samato-bixinta dadkii uu waxyeeleeyey roobku, waxaanu madaxweynuhu kormeer ku tegay cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Image may contain: 4 people

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland si toosa ugala hadlay television-ka qaranka Somaliland, waxaanu madaxweynuhu xusay in 18 qof ku dhaawacmeen, saddex ruuxna ku geeriyoodeen, iyadoo uu khasaare laxaadlehna uu geystay roobkaasi, welina lagu jiro gurmadka iyo baadi goobka waxyeelada roobkaasi keenay

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, night and outdoor
Image may contain: car, night and outdoor
Image may contain: 6 people, people standing

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan