Mareykanka oo looga digay inuu hubka nuclear-ka u adeegsado joojinta Duufaanta

0

Seynisyahannada Mareykanka ayaa sheegay inaysan fikrad fiican ahayn in hubka wax gumaada ee nuclear-ka loo adeegsado joojinta duufaanta, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu doonayo in awood kama dambeys ah loo isticmaalo ka hor tagidda musiibadaas dabiiciga ah.

 

Warbaahinta Axios ayaa tabisay in Mr Trump uu ka dalbaday saraakiil dhowr ah oo ka tirsan amniga qaranka Mareykanka inay u sharraxaan sida ay tallaabada noocaas ah ku suurtagali karto.

Hase ahaatee, ururka ay ku bahoobeen seynisyahannada Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo (NOAA ) ayaa sheegay in adeegsiga nuclearka “uu horseedi karo burbur baahsan oo ka daran midka ay sababeyso duufaanta”.

Laakiin madaxweyne Trump ayaa beeniyay inuu hadalkaas yiri.

“Sheekada ay sameysay warbaahinta Axios ee ku saabsan in madaxweyne Trump uu doonayo inuu duufaanta ku qarxiyo bambo waa war been abuur ah. waligey sidaas ma dhihin”, ayuu Trump ku yiri bartiisa twitter-ka

Duufaannada ayaa sanad walba saameeya xeebaha bari ee dalka Mareykanka, waxayna inta badan sababaan khasaare baahsan.

Ma aha markii ugu horreysay ee lasoo jeediyo fikradda ku saabsan in nuclear loo adeegsado ka hor tagista duufaanta.

Seynisyahan ka tirsanaa dowladda ayaa 1950-meeyadii ku taliyay in bambada nuclear-ka lala dhaco duufaanta.

Saameyn intee la eg ayaa ka dhalan karta in nuclear lagu dhufto duufaanta?

 

Sida ay sheegtay Warbaahinta Axios, Mr Trump ayaa saraakiisha weydiiyay sababta ay hubka ugu halista badan adduunka ugu dhufan la’yihiin isha ay kasoo baxdo duufaanta.

Balse ururka Seynisyahannada ee NOAA ayaa sheegay in isticmaalka nuclear-ka uusan joojin karin duufaanta, haddii loo adeegsadaha “ay dabeyshu si deg deg ah usoo qaadi doonto suntan halista ah ee ku jira hubkaas”.

Suntaas ayey sheegeen inay waxyeello ba’an u geysan karto dhulka ay duufaantu ku dhufato.