Maraykanka iyo Taliban oo Heshiis ku Dhow

0

Heshiis la filayo in lagu soo gaba gabeeyo dagaalka 18-ka sano ka socda dalka Afghanstan ayaa lagu wadaa in ay maanta kala saxiixdaan wakiilo ka kala socda ururka Taliban iyo Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid ayaa VOA u sheegay in wadahadallada Mareykanka iyo Taliban oo muddo sanad ah ka socda dalka Qatar ay hadda marayaan heer gabo gabo ah.

Wuxuu sheegay in labada dhinac ay hadda isla falanqeynayaan qeybta ugu muhimsan oo ah qaabka ay ciidamada Mareykanka uga baxayaan Afghanstan.

Wadahadalladaan oo soo maray sagaal wareeg, ayaa waxaa Mareykanka u matalaya diblamaasiga ku dhashay dalka Afghanstan balse heysta dhalashada Mareykanka ee Zalmay Khalilzad.

Dagaalka Afghanstan ayaa soo billowday sanadki 2001, markaas oo Mareykanka oo kaashanaya xulufadiisa NATO ay awoodda ka tuureen maamulki Islaamiga ahaa ee Taliban.