Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya James Swan Oo Ka Hadlay Arimo La Xidhiidha Somaliland

0

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr. James Swan ayaa warbixin uu Khamiistii ka horjeediyey Golaha Ammaanka waxa uu ku soo qaaday booqashadiisii u horreysay ee uu ku tagay Somaliland iyo qoddobadii uu kala hadlay madaxda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan ku dhiirigeliyey in la sii wado wada hadalka u dhexeeya dawladaha Hargeysa iyo Muqdisho si looga gun gaadho dedaaladii hore,”Ayuu yidhi Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia.