Taliyayaal Cusub Oo Loo Magacaabey Dhamaan Ciidamada Somaliya Iyo Kuwii Hore Oo Xilalka Laga Qaadey

0

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, iyadoo si buuxda Taliyaha NISA loogu magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddo 10 bilood ahaa Sii Haye.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka u magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge, iyadoo xilkaas laga qaaday Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Cabdi Xasan Xijaar oo ahaa Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka, waxaana xilka taliyaha Booliska laga qaaday Jen, Bashiir Cabdi.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Ciidanka Asluubta loo magacaabay Jen. Mahad C/kariin Aadan oo horay u ahaa Taliyaha Booliska Koofur Galbeed, waxaana xilka Taliyaha Asluubta laga qaaday Jen. Bashiir Goobe.