Kenya Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Kursigii Golaha Amaanka Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen

0

Dawladda Kenya ayaa dalka Jabuuti kaga guulaysatay loolan ku dhexmaray Midawga Afrika. Fadhi Midawga Afrika saaka ku yeeshay magaalada Addis Ababa oo labadan dal ugu loolamayeen kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayay ku guulaysatay Kenya.

 

Kenya ayaa heshay codka 37 dal halka ay Jabuuti ka heshay 13 cod iyada oo ay kulanka joogeen 51 dal oo ka mid ah 55 dal ee xubnaha ka ah Midawga Afrika.

Tallaabadan ayaa Kenya ka dhigaysa in ay tahay dalka Afrika ku metelaya in uu qabto kursiga Golaha Ammaanka 2021-2022 kaas oo bisha June ee sanadka dambe magaalada New York lagu qaban doono codka ay Qaramada Midoobay u qaaddo.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Dr Monica Juma ayaa sheegtay in guushani wax ku ool u tahay Kenya waxaanay u mahadcelisay dalalka Midawga Afrika.

Maxamed Idiris Faarax danjiraha Jabuuti u jooga Midawga Afrika ayaa sheegay in ay aqbaleen natiijada codaynta, islamarkaana bogaadinayaan Kenya.

Halkan Guji Si Aad U Sii Akhrisato