Wel Welka Laga qabo in Maraakiibta Koonteenaradu u wareegaan dekadaha jarka ah iyo Amarkii wasiirka o Labo casho ka hadhay,

0

Muran Xisaabeedkii u Dhexeeyayay wasaarada Ganacsiga Somaliland iyo Wakiilada Shanta Shirkadood e Shiping Line ka ah e Koonteenarada oo Aan wali Xal laga gaadhin,iyadoo mudadii uu qabtay wasiirku in wareegtadiisu ku hir gasho ay ka hadhay  labo casho o kaliya 21/08/2019

Wasiirka wasarada ganacsiga somaliand Axmed xasan sajin aya  taariikhdu markay aahayd 21/07/2019 wuxuu soo saray wareegto ah AMAR  in La raaco  Qaab Xisaabeedka Cusub e tacriifada  lacagta laga qaadayo ganacstadad  soo kiraysta koonteenarada  oo Awal xisaab  la isla ogalaa kula shaqayn jiray wakiilada maraakiibta koonteenarada xambaarta,

Warqada wasiirka e Amarka ah Ayaa markiiba waxaa ka Biyo Diiday  wakiilada Maraakiibta Koonteenarada qaada e xafiis yadoodu Yihiin Berbera  Waxany ku tilmaameen mid aan caqli gal ahayn

Oo Sababi Doonta in Marakiibtaasi u wareegto Dekadaha jaarka ah  Maadaam aanaya Bixin Karin Lacagta Kharashka ah e Laga rabo iyaga taasi oo aay qaado  shirkada Dp Wolrd  Adeeg ahaan,

Prof Khadar Xasan  o ah gudoomiyaha shirkadahan marakiibta koonteenarada qaada o  xili sii horaysay la hadlay warbaahinta aya  sharaxay  qaab xasabeedka tacriifada ay isku hayaan wasaarada iyo xubno wakiilo ka ah ganacstadad wawayn oo mukhalsiin ka ah dekada berbera  ,Waxanu yidhi

1 Koonteenarka 20ft ah waxaa  dekada berbera amashirkada dp wolrd u rabtaa adeeg ahan  $210  Wakiil ahaana  ahana waxaanu macmiisha ka qaadan jirnay ayuu yidhi  $85 Doolar  Lacagta faraqa u dhexeeyay waxa kabi jiray ama hadaba kaba  xafiisyada shiping line, ka

2 Koonteenarka 40ft ah  waxay qaada adeeg ahaan shirkada dp world $315 Halka Shirkad ahaan Shipin line ku ka qaadaan $155 Doolar  Faraqa lacageed e Labada u Dhexeeyana waxa Bixiya xafiisyada maraakiibta qaada Koonteenarada,,

Hadaba Sida Ku cad warqada wasiirka ganacsiga Somaliland  Waxay Wareegtadiisu amraysaa in Boqolka Koonteenar e ganacsade wada leeyahay in laga qado $85 Doolar oo kaliya tas oo Shirkada Dp Wolrd na ka Doonayso wakiilada marakiibta  Boqolka Koonteenar e 20ft ah $21000 oo Doolar,

Halka 100 Koonteenar e 40ft ahe  ku wada qoran hal bil of louding  wareegatdani amrayso in Wakiilada maraakiibta qaada koonteenardu qaadan $85 doolar o kaliya Dhanka kalena Shirkada Dp World waxay ka Doonaysa 100 Koonteenar Adeega ay u qabatay  lacag dhan $31500 oo Doolar,

Arinkan aya u muuqda midi midi ku taag  Illaa iminkana ma jirto xal ama dhex dhexadin laga galay oo isku soo dhawaysa labada dhinac e wasaarada ganacsiga iyo wakiilada marakiibta koonteernada xambaara, Waxaan Muuqata marka la gaadho waqtiga wareegatadn wasiirku u qabtay in ay dhaqan gasho in  masuuliyiinta wakiilada ka ah marakiibtana ay Albaabada u xidhi doonaan xafiisyadooda  waayo sida xogo hoose o anu ka helnay iloo ku dhow dhow xafiisyadasi sheegayaan in ay go,aankaa qaateen madama  aanay bixin Karin  lacagta lagaga qaado adeega dekada berbera  e dp world  ku shaqayaso,,Mida kale Mar kasta o hadal ka dhasho Tacriifadaha waxa dhacda in Shaqo Joojini dhacdo o maalmo badan aan ganacsatadu waxba cashuuran halkan dakhliga Dekada iyo ta qarankuba Hoos u dhac ku yimaado waa sida ay qaar ka mida gancsatadu wel wel badan uga qaban muranada soo noq noqda,

Hadaba Shantan Shirkadood e caalamiga ah kana  mid ah shirkadaha dunida ugu waawayn e leh marakiibta koonteenarada qaada ayaa 10 sano e danbaysay ka shaqaynayay khadka ganacsiga Somaliland ku xidhay dunida inteeda kale,

Sidaynu wada ognahay  caalamku wuxuu u guuray  gadiidka maraakiibta qaada koonteenarada[Kontenar Ship] Dekada Berberina waxay Maanat  xidhiidh la Leedahay Dekadaha Ugu waawayn caalamka e ay ka shaqeeyaan marakiibtan Koonteenar ka ahi, Dabcana Tooshkii ay soo raacday Shirkada Dp World waxay ahayd  Maraakiibta Koonteenarada qaada e ka Shaqaynayay Ama Khadka ku laha Berbera ,

Mida kale xubin ka mid ah raga u shaqeeyay shirkadhan aya ku tirabay in Maraakiibtani aanya iska iman berbera e ragbaa naf iyo maalba Dul dhigay o damanad Adag laga Dhigay  sidii maraakiintani uga shaqayn lahayd  dekada berbera ayuu yidhi,