Michael Rubin oo si Adag ugu Guubaabiyey Maraykanka inay Wax la Qabsadaan Somaliland

0

Michael Rubin oo ah Xeel-dheere Millatari iyo khabiir ka tirsan Machadka American Enterprise Institute,

ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Maraykanka u soo jeediyey in aanay ku shaqeynaynin qorshe maangaabnimo ah oo aanay isu dhiibin Siyaasadda Khiyaaliga ah ee Soomaaliya, waxaanu Maraykanka ku boorriyey inay wax la qabsadaan  Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan  ka mid ah dalalka ugu nabdoon, uguna dimuqraadisan Afrika.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qormo  uu Michael Rubin maanta  ku daabacay Shabakadda Washington Examiner oo uu kaga  warbixiyey farqiga  u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya oo uu sheegay inay ka taliso  dhul masaafadiisu  aad u yar tahay  oo ku yaalla badhtamaha Muqdisho.

 

Khabiir Michael Rubin wuxuu sheegay in  Maraykanku uu aqoonsaday Somaliland sannadkii 1960kii, ka hor intii JSL aanay la midoobin Soomaaliya oo ay kala kulmeen xasuuq kaligii taliyihii Siyaad Barre ee ka talin jiray Soomaaliya. Waxa kaloo uu intaas ku daray  in Somaliland ay ka baxday midowgii Soomaaliya sannadkii 1991kii, dibna  ay ula soo noqotay  madax-bannaanideedii, waxaanu ku sifeeyey Somaliland   waddan  ka mid ah dalalka ugu dimuqraadisan Afrika, isagoo tusaale u soo qaatay  inay  noqotay dalkii u horreeyey ee doorashada ku galay sawirka laga qaado  isha bu’deeda”  (biometric iris scans).

 

Michael Rubin wuxuu xusay in masuuliyiinta Somaliland ay xaqiijiyeen in Shirkadaha Shiinuhu ay doonayaan inay la galaan  heshiisyo macdanneed, hase ahaatee Somaliland ay doorbidayso inay la shaqeeyaan Maraykanka iyo dalalka Yurub, kuwaasi oo taageeraya  dawladda khiyaaliga ah ee Muqdisho. Waxaanu ku dooday  in shirkadaha Maraykanka ay ka baaqsadeen  inay heshiisyo gaar ah la galaan Dawladda Somaliland, waxaanu carabka ku dhuftay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku ay iska indho-tirayso xaqiiqada ka jirta Geeska Afrika

Michael Rubin wuxuu sheegay inay Somaliland noqotay meel laga helayo macdanaha naadirka ah ee laga sameeyo qalabka Elektarooniga casriga ah, waxaanu tilmaamay inay leedahay khayraad kala duwan oo xooluhu ka mid  yihiin.

Khabiirkaasi wuxuu  ka biyo diiday  in dawladda Maraykanku lacago  badan gelisay Soomaaliya oo aanay ka jirin nabadgelyo, isla markaana 14kii sannadood ee la soo dhaafay ku guulaystay horyaalka Musuqmaasuqa Adduunka,  oo  si toddobaadle ay  uga dhacaan falal argagixiso.

Waxa kaloo uu iftiimiyey in  Maraykanku maalgeliyo Soomaaliya oo  qandaraasyo badan siisa Shiinaha, waxaanu ku adkaystay  in siyaasadda Dawladda Maraykanku aanay ku salaysnayn masaalixda dalkaas.

Cumar Maxamed Faarax