Donald Trump oo wax uusan fileyn kala kulmay Magaalooyin uu booqday

0

Madaxweynaha Mareykanka, Donad Trump ayaa booqday laba Magaalo oo ku yaala Mareykanka, kuwaas oo dadka ku nool ay wali la murugoonayaan dadkii lagu laayay toogashada.

Donald Trump ayaa intii uu ku sugnaa halkaas waxaa uu la kulmay dibadbaxyo iyo hadalo kulul oo ay is dhaafsadeen siyaasiyiinta Magaalooyinkaas.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shacabka Mareykanka ay midoobaan, kadib weeraradii ka dhacay Texas iyo Ohio oo qof hubeysan uu dad gaaraya 30 qof uu ku laayay.

Balse dhaleceynta ah in uusan waxba ka qabanin xakameynta hubka ayaa wali taagan. El Paso iyo Texas ayaa waxaa isugu soo baxay dad dibadbaxayaal ah, kuwaas oo watay boorar ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “Cunsuri ayaad tahay ee halkii aad ka timid ku laabo”.

Dadka ayaa tagnaa wadooyinka, waxayan sidoo kale ku qeylinayeen “halkan lagaa ma jecla, cunsuri ayaa tahay”. Sidoo kale waxaa isu soo baxay dad iyaguna tagaeersan Madaxweyne Trump.

Dad gaaraya 31 qof ayaa ku dhintay weeraradii ka dhacay El Paso iyo Dayton, kuwaa oo isku maalin dhacay.