Raysal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo U Mahad Celiyey Madaxweynaha Somaliland.

0

Raysal wasaare ku xigeenka dawlada federaalka ah ee soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa u mahad celiyey madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Raysal wasaare ku xigeen Khadar ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku sheegay inuu madaxweyne Muuse uga mahad celinayo qaabkii uu u qaabilay madax dhaqameedkii ka socday gobolka Banaadir ee dhawaan lagu wareejiyey maxaabiistii uu cafiyey madaxweyne Muuse Biixi.

 

Raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax dhaqameedkii Hargeysa ka kaxeeyey maxaabiistii la cafiyey ee budhcad badeeda ahayd ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmo Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Banaadir oo dhawaan la kulmay Madaxwaynaha Somaliland. Waxaan ugu hambalyaynayaa Somaliland sidii milgaha lahayd ee loogu soo dhaweeyay.”