Nin gabadhiisa wajigeeda sameystay si uu xabsi uga baxsado

0

Nin ka ganacsan jiray iibinta daroogada oo ku sugan dalka Brazil ayaa la qabtay xilli uu isku dayayay inuu ka baxsado xabsi lagu hayay, isagoo adeegsanayay cinjir loo ekeysiiyay wajiga gabadhiisa oo 19 jir ah, dhar iyo timo.

Mas’uuliyiinta xabsigaas, oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, ayaa shaaciyay muuqaal lagu arkayo maxbuuska oo u labisan sidii gabar, isla markaana wajiga ku xiran maasgaraati gabadhiisa aan laga garaneynin.

Sida looga jeedo muuqaalka, ninkan 42 jirka ah ayaa mid-mid u siiyay dharka iyo qalabka kale ee uu isku baddalay.

Saraakiisha ayaa sheegay in gabadha qudheeda dacwad loogu soo oogi karo falka ay aabaheed ugu caawisay inuu xabsiga ka baxsato, inkastoo la fashiliyay.

Waxay sheegeen in gabadha 19 jirka ah ay xabsiga ku booqatay aabaheed, Clauvino da Silva, iyadoo ay dad kalena la socdeen.

Silva ayaa qaadanaya xukun xabsi oo ay muddadiisu tahay 73 sano iyo 10 bilood.

Madaxda xabsiga ayaa intaas ku daray in Silva qorshihiisu uu ahaa inuu gabadhiisa xabsiga uga dhex tago, si uu xorriyaddiisa u helo iyaduna ay xabsiga badalkiisa u gasho.

Balse ilaalada ayaa durba gartay qalabka macmalka ah ee uu isticmaalay, umana suurtagalin inuu caqligooda ku khaldo.

Ninkan ayaa markii laga siibay dharkii uu xirtay dib loogu celiyay xabsigii uu ku jiray.

Booliska ayaa su’aalo weydiinaya gabdhiisa iyo 7 ruux oo kale, kuwaasoo dhawaan xabsiga ku booqday.

Waxaa la aaminsan yahay in mid ka mid ah dadkaas, oo ahayd haweeney uur leh, ciidankuna aysan baarin, ay u gudbisay qalabka.

Isku daygan ma aha kii koowaad ee uu Silva ku damco inuu xabsiga uga baxsado.

Sanadkii 2013-kii ayuu ka mid ahaa 31 maxbuus oo fakatay, laakiin dib ayaa loo xiray.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay hadda u gudbin doonaan xabsi amnigiisa si weyn loo adkeeyo, si mar kale uusan isugu dayin baxsasho.

Qaaradda Koonfur America. ma aha markii ugu horreysay ee uu qof maxbuus ah booskiisa ku baddalo qof kale oo ehelkiisa ah, si uu u baxsado.

Sanadkii lasoo dhaafay, ciidamada dalka Peru ayaa dib u qabtay nin labadiisa walaalo oo mataano ah galiyay xabsigii uu ku jiray, ka dibna baxsaday.

Ninkaas ayaa inta aan dib loo xirin bannaanka joogay muddo ka badan 1 sano.