Suldaan Cadagude Oo Warramay Kulan Ay La Yeeshay Kornayl Caarre, Iyo Halka Ay Marayaan Dadaallada Dhexdhexaadintu

0

Guddoomiyaha Guddida Beelaha Garxajis Suldaan Axmed Cismaan Cadagude, oo ka mid ah Madaxda dhaqanka ee dhex-dhexaadinta ka dhex wada Xukuumadda iyo Kornayl Caare, ayaa sheegay in hawlaha dhexdhexaadintu ay hadda meel wanaagsan marayaan, kuna rajo weyn yahay inay guul iyo isfahan ku dhammaadan.

Guddoomiyaha oo wargeyska GEESKA AFRIKA la hadlay kaddib kulan uu la yeeshay Kornayl Caarre, ayaa caddeeyey in uu jiro heshiis arrintan laga gaadhay, waxa aanu ballanqaaday in qodobbada heshiiskaas la soo bandhigi doono. “Imika meel wanaagsan bay wax marayaan, ILLAAHAY idamkiina inay wax walba wanaag inoogu dhammaadaan baanu rajaynaynaa, waxaan rajaynayaa inay wax walba khayr inoogu dhammaadaan” isaga oo intaayaa uu yidhi Suldaan Cadde-gude.

Dhinaca kalana, Madax-dhaameed ka tirsan beesha Garxajis oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Buuraha Gobolka Sanaag ee fadhiisinka u ah jabhadda ayaa kulamo la yeeshay Kornayl Caarre. Iyada oo shabakadaha wararku ay faafiyeen sawirrada madax-dhaqameedka ergada ah oo uu hoggaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani iyo Kornayl Caarre.

XIGASHO GEESKA/