Iran oo Gacanka ku qafaalatay markab kale oo shisheeye

0

Iran ayaa markab kale oo ajinabi ah ka qabsatay gacanka Cumaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Kacaanka ee ay qafaasheen markab shidaal oo marayay gacanka Cumaan, kaas oo ay sheegeen in shidaal sharci darro ah u siday qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Waxay sheegtay in markabka uu siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereytay xasaradda gacanka ka dib markii Mareykanka uu sii adkeeyay cunaqabteenada uu ku soo rogay shidaalka Iran.

Cunaqabteenada ayaa Iran dib loogu soo ka dib markii uu Mareykanka ka baxay heshiiskii nuclear-ka Iran sannadkii 2015-kii.

Waa markii labaad oo ay Iran qafaalato markab shisheeye oo 13-kii bisihii July waxay ciidamadeeda Ilaalada Kacaanka ay xeebaha Iran ku qabteen markab ay sheegen in uu siday shidaal shaci darro ah.

Lahaanshaha sawirka AFP

Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay in ka dambeysay laba weerar oo lagu qaaday Maraakiib shidaal oo marayay gacanka, balse Iran ayaa gaashaanka u daruurtay edeyntaasi.

Iran ayaa sidoo kale soo ridday diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin ah oo uu Mareykanka lahaa.

 

Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay in ka dambeysay laba weerar oo lagu qaaday Maraakiib shidaal oo marayay gacanka, balse Iran ayaa gaashaanka u daruurtay edeyntaasi.

Iran ayaa sidoo kale soo ridday diyaarad kuwa aan duuliyaha wadin ah oo uu Mareykanka lahaa.

Dhanka kale Maraakiibta dagaalka ee UK ayaa markaakiibta shidaalka ee Birtain ilaaninayay tan iyo markii ay iran ku hanjabtay in ay qafaalan doonto maraakiibta shidaalka ee UK, taasi oo jawaab uga dhigaysay markab Iran ay leedahay oo ay Britain ku qabatay xeebta Gibraltar.

UK ayaa sheegtay in markabka shidaalka looga shakiyay in uu baal maray cunaqabteenadii Midowga Yurub ee Iran.