Gabadhii mar qaxootiga ahayd ee madaxweynaha noqotay

0

Gabadhan yar iyadoo carruur ah ayey waalidkeeda kala qaxeen waddanka ay colaadaha halakeeyeen ee Latvia, waxayna dibadda ku nooleyd in ka badan 50 sano.

Laakiin waxyar ka dib markii ay dalkeeda dib ugu laabatayba waxay ka noqotay madaxweyne.

Intaas kaliya ma ahane, Vaira Vike-Freiberga waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee abid xilka madaxweynaha ka qabata waddanka ay horay u heysan jireen midowgii Soviet.

“Waalidiinteydu waligood igama oggolaanin inaan illoobo dhalashadeyda asalka ah iyo inaan ahay qof reer Latvia ah”, waxay sidaas ku tiri wareysi ay siisay BBC-da.

Waddankan ka tirsan dalalka la isku yiraahdo Baltic ayaa waxaa horay u faragaliyay Naazigii Jarmalka iyo midowgii Soviet intii lagu guda jiray dagaalkii 2-aad ee adduunka.

Waxay xoogaa yar ka xasuusataa qalalaasahaas, gaar ahaan sanadkii 1944-kii, markaasoo ay ciidamadii Ruushka dib ugu qulquleen Latvia.

“Aad baan ugu faraxsanaa dadkii watay calankii guduudnaa. Xitaa markii ay indhaheyga qabteen qofkii ugu horreeyay ee iyaga kamidka ahaa gacmaha ayaan kor u taagay waxaana dhahay ‘Cajiib!’,” ayey ku tiri wareysigeeda

“Anigoo sidaas sameynaya ayaan arkay hooyadey oo aad u murugeysan, indhaheedana ay illin ka socoto, iyadoo i dhaheysa ‘fadlan gabadheydii sidaas ha sameynin. Maanta waxay maalin madow u tahay reer Latvia’.”

Noloshii adkeyd

Qoyska ay gabadhan kasoo jeeddo ayaa markaas qaxay, iyadoo Vaira ay da’deedu tahay 7 sano.

Markii ugu horreysay waxay u tallaabeen Jarmalka oo aad u burbursanaa.

Ka dib waxay usii gudbeen Morocco oo uu xilligaas maamulayay Faransiiska, ugu dambeyntiina waxay tageen Canada.

Dib uguma aysan soo laabanin Latvia ilaa laga gaaray sanadkii 1998-kii, waxayna madaxweyne waddanka uga noqotay muddo 8 bilood gudahood ah.

Vaira waxay xasuusataa aabaheed oo Idaacadda BBC-da dhageysanaya sanadkii 1944-kii, isagoo markaas doonayay inuu fahmo meesha uu dagaalku ku wajahan yahay.

Dabayaaqadii isla sanadkaas ayey qoysku qaateen go’aanka ah inay ka qaxaan Latvia.

Dhibaato badan ayey ku mareen safarkii ay ku galeen Markab ay ciidanka leeyihiin iyo xeryihii qaxootiga ee ay ku galeen dalalkii ay sii mareen.

Dib ugu soo laabashadii waddanka

Vaira markii ay Canada wax ku baratay waxay noqotay bare jaamacadeed.

Sanadkii 1998-kii, iyadoo 60 jir ah ayey howlgab ka noqotay shaqadii Jaamacadda.

Balse habeen habeennada ka mid ah, telefoonkeedii ayaa soo dhacay. Qofka soo wacayay wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii dalka Latvia.

Vaira waxaa markaas loo soo bandhigay inay madax ka noqoto mac-had cusub oo laga hirgaliyay Latvia.

Waxaa loo sheegay in xilkaas loo rabay qof qurbejoog ah oo yaqaanna nidaamka ay wax u wadaan reer galbeedka, balse aadna u fahansan dhaqanka Latvia.

Hase ahaatee, durbadiiba waxay is aragtay iyadoo ku dhex jirta siyaasadda waddanka.

Waxay ka tanaasushay baasaboorkeedii Canada waxayna u tartantay xilka ugu sarreeya waddanka, kaasoo ay ku guuleysatay.

Sanadkii 2003-kii mar kale ayey ku guuleysatay doorashadii xilka madaxweynaha.