Gobolka Saaxil Baadidiisii Kuraasta Baarlamaanka Ayuu Soo Ceshanaysaaā€¯Mohamoud M. Jama. Berbera.

0

Saaxil Baadideedii bay soo ceshanaysaaā€¯

Saami qaybsiga kuraasta gollaha wakiiladda ee hada jira, waxa lagu qaybiyey lixdii degmo doorasho ee lixdankii uu ingiriisku ka tagay oo isu rogay gobolo oo ahaa 33 kursi waxaana lagu dhuftay 2.5 oo ka dhigaysa 82-ka xubnood ee hadda golluhu ka koobanyahay.Ā 
1. Degmada Hargeisa 7 kursi
2. Degmada Burco 6 kursiĀ 
3. Degmada Ceerigabo 5 kursi
4. Degmada Berbera 5 kursi
5. Degmada Boorame 5 kursi
6. Degmada laasacaanood 5 kursi

Degmada Berbera oo lahayd lixdankii 5 kursi oo marka lagu dhufto 2.5 qaacidadaa lagu heshiiyay doorashadii 2005-tii oo ka dhigaysa 12 kursi, sidda la wada ogyahay Tirada xubnaha Gollaha wakiiladda ku matala gobolka Saaxil waa 10 kursi xagay mareen labbada kursi ee ka dhimani, labadaa kursi waxa la kala siiyey Hargeisa iyo Boorame oo mid mid loogu kordhiyay waxaana Goā€™aankaa hibaynta ah qaatay Axmed Yuusuf Yaasiin M/xigeenkii hore oo xiligii 2005-tii oo muran culus oo saamiqaybsiga ahi jirey, sidaa maanta oo kalena ay gobalada galbeedku aad u cabanayeen.

Haddaba maanta reer Saaxil waxay diyaar u yihiin inay baadidoodii soo ceshadaan, waxayna xaq u leeyihiin waxa ay xaq u leeyihiin degmooyinka ay isku daā€™da yihiin hadaanay uguba daā€™ weynayn. Waxa aanay reer saaxil marnaba gorgortan iyo taanasul ka galayn inay kuraastooda ay ku qaboojiyaan ama dhiig joojin uga dhigaan muranka mar kale ka taagan saamiqaybsiga doorashada, hadii hore ay reer saaxil ku mashquulsanaayeen hashii Maandeeq lisideedii iyo qaybintii caaneheeda umada reer soomaaliland oo dhan, maanta waxa maandeeq soo godla wiilal carbeed. Hadii ay reer Saaxil fagaarayaasha wax qaybsiga iyo doodaha safka dambe kagagalijireen, maanta waxay diyaar u yihiin inay ku biiraan kacdoonada looga soo horjeedo in doorashada wakiilada sideedii hore lagu galo, waxayna diyaar yihiin inay u istaagan sidii kuraasta ka dhiman ay u soo ceshan lahaayeen manta ma a aha shallay

Mohamoud M. Jama.
Berbera.