Deg Deg war, Farmaajo o tanaasulay Jinsiyadii Labaad e Maraykanka ahayd Maxaase Sababay

0

Deg Deg, Madaxawyanha dawlada Xamar oo ay qasab ku noqotay in u dib u celiyo dhalahadii Labad e u maraykanka ka haytay kadib markii u tagi kari wayay dalka maraykanka o sharcigiisu dhigayo in hogamiye dal kale o haysta dhalasho marykan ahi aanu booqasho ku iman karin USA

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa hooraantii bishii Maarso ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale.

Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda.

“Kiisaska la xiriira muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxaa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xiriira sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniintan aysan quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aanan ku lugta lahayn go’aannada siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii labaad ka baaqday shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka dhacay sannadkii lasoo dhaafay ee 2018-ka.

Baraha bulshada ayaa la isku weydiinayaa sababta uu madaxweynaha markii labaad uga baaqanaayo shirka, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in madaxweynuhu uu haysto baasaboor Mareykan ah, sidaasi darteedna uu u baaqday.

Sharciga dalka Mareykanka ma oggola in qof haysta baasaboorkooda uu dalkaasi tego isagoo adeegsanayo baasaboor dal kale.

Dr Ibrahim Bursalid oo ka faalooda arrimaha caalamka, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo loo sababayn karo arrintan.

”Walow aanan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa in madaxweynaha uusan aadin shirkaasi muhiimka ah marki labaad, waxaan garaneynin in madaxweynahu ay ka tahay biseyl odaynimo iyo in ay ka tahay quud-darreyn uu quud-darreynaayo dhalashadiisa mareykanka.”

Dad badan oo falanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in madaxweynuhu uusan rabin inuu wareejiyo basaboorkiisa Mareykanka, uuna masaalixda Soomaalida ka ka doorbidaayo baasaboorka.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo isna ka faalooda arrimaha caalamka ayaa dhankiisa qaba in labo mid uun ay tahay.

”In madaxweynaha uu waayay wax uu la hor tago shirka, maadaama amniga dalka aan horumar laga samaynin, dowlad goboleedyadana ay is khilaafsan yihiin. Waxaa laga yabaa in uu is leeyahay tan xalli, ka dibna shirarka xiga ee Qaramada Midoobay ka qeyb qaado, adigoo haysta wax cad oo muuqda. Waxaa kale oo suurta gal in uusan dooneynin inuu wareejiyo baasaboorkiisa Mareykanka madaama waqti yar ay u hartay uusanna hubin in uu mar labaad soo laaban doono iyo in kale.” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.