Duqii hore ee Tehran oo dil lagu xukumay

0

Duqii hore ee magaalada Tehran, Mohammad Ali Najafi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu helay dambi ah inuu dilay xaaskiisa, waxaa sidaas maanta shaacisay waaxda cadaaladda Iran.

Najafi oo ka mid ah siyaasiyiinta is-beddel doonka ah ee Iran ayaa lagu helay inuu xaaskiisa labaad ee Mitra Ostad ku toogtay kuna dilay gurigooda uu ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tehran, 28-kii May, sida uu sheegay afhayeenka cadaaladda Iran Gholamhossein Esmaili.

Sida ay werisay warbaahinta Iran, meydka Mitra ayaa laga helay baafka lagu qubeysto ee musqusha, kadib markii Najafi oo 67 jir ah uu isa soo dhiibay islamarkaana qirtay dilkeeda.

“Warqadda dacwada waxaa ka mid ahaa dil horey u qorsheysnaa, weerar iyo haysashada hub sharci-darro ah” Waxaa sidaas yiri Esmaili, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka cadaaladda Iran ee Mizan Online.

“Xukunka ma ahan mid kama dambeys ah, waxaana racfaan looga qaadan karaa maxkamadda sare” ayuu yiri Esmaili.

Qoyska Mitra ayaa codsaday xukun ku saleysan shareecada Islaamka oo ah in Najafi la marsiiyo ciqaab la mid ah falkii uu gaystay, taasi oo macnaheedu yahay in Najafi uu wajahayo in la dilo.

Najafi ayaa waxaa duqa Iran loo doortay August 2017, hase yeeshee wuxuu is-casilay April 2018 kadib markii kooxaha diinta ku adag ay ku cambaareeyeen inuu ka qeybgalay qoob ka cayaar ay sameeyeen gabdho iskuulley ah.