Trump oo lagu eedeeyay inuu cunsuriyeeyay xildhibaan Afrikaan Ameerikaan ah

0

Afhayeenka Aqalka Kongareeska ee waddanka Mareykanka ee ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, Nancy Pelosi, ayaa waxa ay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku eedaysay inuu ku dhaqaaqay “weerrar cunsuriyad ku salaysan” kaddib markii uu bartiisa Twitterka soo dhigay farrimo ku saabsan xildhibaan Afrikaan Ameerikaan ah.

Mr Trump ayaa waxa uu Twitterka ku weerraray xildhibaanka Dimuqraadiga ah Elijah Cummings iyo degmadiisa Maryland.

Madaxweynaha ayaa waxa uu degmada Baltimore ee Mr Cummings oo ay u badan yihiin Afrikaan Ameerikaanka uu ku tilmaamay meel uu jahawareer daran ka taagan yahay.

Mr Cummings ayuu Mr Trump soo qoray inuu xoog sheegtay markii uu dhaleeceeyay qaabka loola dhaqmo muhaajiriinta ku sugan xadka Mareykanka iyo Mexico.Mr Cumming oo hogaamiya guddiga aqalka Koongareeska ee ilaaliya dhaqdhaqaaqa dowladda, ayaa waxa uu taageeray in baaritaan dhab ah lagu sameeyo siyaasadaha maamulka Trump oo ay ka mid ah in muhaajiriinta lagu hayo xarumo.

Ms Pelosi ayaa waxa ay hogaamisay xildhibaannada Dimuqraadiga ee difaacayay Mr Cummings waxa ayna cambaaraysay farriimaha Twitterka uu Trump soo dhigay.

Farriimaha uu Twitterka soo dhigay Trump ayey Ms Pelosi waxa ay ku sheegtay inay yihiin “weerrar cunsuriyad ku salaysan” oo uu ku soo qaaday Mr Commings, kaas oo dadka ku nool degmadiisa ay 50% u badan yihiin dadka madowga ah sida lagu sheegay xogta tirakoobka Mareykanka.