Koonfur Waa Inay Calankeeda Shuruud La,aan Ku Gaysaa Waqooyi Si Midnimo Loo Helo”..Madaxweyne Lafta Gareen

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka hadlay midnimo markale dhex marta somaliland iyo soomaaliya.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya hortiisa ku soo bandhigay qaab uu tilmaamay inay ula muuqato in midnimada soomaaliya lagu soo celin karo.


Madaxweyne Lafta Gareen ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Mudane raysal wasaare ku xigeen anagu mabda’iyan waxaanu aaminsanahay oo aanu taageersanahay kana shaqaynaynaa midnimada iyo wada jirka soomaaliya inay tahay mid oo ay isku soo noqoto iyada oo walaalo ah oo isjecel, duruufaha iyo dhibaatooyinkii hore ee la kala tirsanayeyna si xal ah oo midnimo, isku tanaasul iyo walaalnimo ah lagu xaliyo.”

Madaxweyne Lafta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waqooyi iyo koonfurna waa in laysku keenaa sidii ay shalay ay iskugu yimaadeen ee ay walaalaha ku ahaayeen maantana layskugu keeno oo waliba sidii shalay ay dadka walaalaheen ee waqooyiga ah iyaga oo ilbaxnimo, xadaarad iyo soomaalinimo jecel xornimadana horteen qaatay inay la soo baxeen calankii keenay koonfur kuna soo dhaweeyeen shuruud la,aan iyaga oo jecel midnimada soomaaliya iyaga oo yidhi waxa dan noo ah soomaaliya oo mid ah hal calana leh.”

Sidoo kale waxa u sheegay in dawlada soomaaliya looga baahan yahay inay calankeeda gayso somaliland “Haddii aanu nahay reer Koonfur Galbeed waxaanu qabnaa in koonfur ay sidaas oo kale shuruud la,aan intay calanka soomaaliyeed qaado oo aanay gudi dirine sida loo sii wado waqooyi la geeyo oo la yidhaahdo waan idiin soo celinay wax shuruud ah oo aanu ku xidhanahayna ma leh, talada soomaaliyana idinka ayey idiin taala sida aad ku talisaana waanu yeelaynaa oo soomaaliya oo mid ah ayaanu idinka rabnaa wixii aad qabteena ka raali ahaada soona dhawaada oo noo taliya in la yidhaa ayaanu aaminsanahay dadka arintaas ka shaqaynayana hormood ayaanu ka nahay.”

Error: Contact form not found.