Raysal Wasaaraha Cusub Ee Ingiriiska Oo Xil U Magacaabay Walaalkii

0

Ra’’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska Boris Johnson ayaa walaalkiis u magacaabay xil cusub xilli uu shaaca ka qaaday magacyada golaha wasiirada cusub, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.Boris ayaa walaalkiis Jo Johnson u magacaabay wasiir dowlaha wasaaradda ganacsiga, tamarta, warshadaha iyo waxbarashada ee dalka Britain.

Waxaa uu magacaabay wasiiro ay u muuqato inay tageerayaan arrinta ku aadan in Ingiriiska uu ka baxo Midowga Yurub,.

Boris Johnson ayaa waxaa uu ballan qaaday in Britain ay ka bixi doonto Midowga Yurub dabayaaqada bisha Oktoobar ee sannadkan xitaa haddii aan wax heshiis ah lala gelin Midowga Yurub.