Imaaraadka Oo Beeniyey Inuu Ka Baxayo Dagaalka Yemen

0

Dowladda Imaaraadka Carabta oo qeyb ka ah isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen ayaa sheegtay inaysan ciidamdeeda ka saareyn dalkaas inkasta oo ay jirto in la dhimay dib loo daad-gureeyey.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa qoraal uu ku daabacay wargeyska Washington Post ku yiri “Aan caddeeyo, Imaaraadka Carabta iyo xulufada inteeda kale kama baxayaan Yemen.”

Gargash ayaa sheegay in inkasta oo ay u howl-gali doonaan si ka duwan sidi hore, haddana joogitaanka militari ee Imaaraadka ee Yemen uu sii socon doono, islamarkaana ay caawin doonaan ciidamada Yemen si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Imaaraadka ayaa hooraantii toddobaadkan ku dhawaaqay inay dhimeyso dibna u daad gureeneyso ciidamdeeda Yemen, halkaasi oo uu afar sano ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda – oo ay ay taageeraan xulufada Sacuudiga – iyo kooxda ku xiran Iran ee Xuutiyiinta.

Gargash ayaa sheegay in Xuutiyiinta looga baahan yahay in tallaabada Imaaraadka Carabta ay u arkaan “mid kalsooni dhisid ah oo lagu abuurayo fursad cusub oo dagaalka lagu soo afjaro.”