Cabidda caanaha laga sameeyo dhirta oo soo caanbaxeysa

0

Cabidda caanaha laga sameeyo dhirta oo soo caanbaxeysa

Haddii ay ahaan lahayd lawska ama coconut-ka waxa ay u muuqataa in dad badan ay ka cararayaan caanaha lo’da, iyaga oo ku badelanayo caanaha laga soo saaro geedaha

Dad ka badan afar jibaar oo ku nool Britain ayaa hadda cabaya caanaha xoolaha, sida lagu sheegay baaritan ay sameeyeen shirkadda Mintel, oo la hadashay dad ku dhaw 2,000 oo qof.

Dadka ugu badan ee ka fogaanaya caanahan xoolaha waxay da’dooda u dhaxeysaa 16-24 sano.

Balse caanaha laga soo saara dhirta waa boqolkiiba 4% oo keli ah, marka la eego suuqa.

“Walaac dhanka caafimaadka, deegaanka iyo dhaqanka ayaa horseedaya in iibsashada caanahan dhirta ay sare u kacdo, sida ay sheegtay Emma Clifford, oo qayb ka ah baarayaasha barnaamijkan ay waday shirkadda Mintel.

 

Caafimadka ayaa ah ujeedada koowaad ee ay isaga yareynayaan cabidda caanaha lo’da. Saamaynta uu deegaanka ayaa sidoo kale walaac laga muujiyey.

Markii hore waxaan isticmaali jiray qudaarta si aan caafimadkayga u ilaaliyo,” Ayuu yiri Sam Friskey, oo ka mid ah dadka ka ganacsada caanahan.

Wuxuu aaminsanyahay in daalka badan ee uu dareemi jiray xilliyada uu shaqada joogo ay sabab u tahay caanaha.

“Iibsashada caanaha lo’da hoos ayey u sii dheceysaa, xaqiiqaduna waxay tahay in dhallinyaro badan aysan rabin caanahaas taas oo cadeyneysa in muddo aysan sii jiri doonin,” ayey tiri Emma Clifford.

Sidoo kale, waxay aaminsan tahay in dhallinyarada ay wax ka bartaan “faa’idada” isticmaalka caanaha lo’da iyo si guud waxyaabaha la midka ah, marka laga eego dhanka caafimaadka.