Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Cadeeyey Halka Ay Salka Ku Hayso Caqabadaha Somaliland Kala Kulmayso Soomaaliya

0

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag uga hadlay cabashada ay somaliland markasta ka dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku falanqeeyey halka ay salka ku hayso talaabooyinka ay qaadayso dawlada soomaaliya ee hadyo jeer caqabadaha ku ah somaliland.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen waxa uu carabka ku adkeeyey in dhibaatooyinka ugu weyn ee somaliland haystaa ay keentay siyaasada arimaha gudaha oo dhaliilo badani dul hoganayaan.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu u dhignaa sidan:-

Weli waxaan garan laayahay cabashadda faraha badan ee Somalia iyo Muqdisho laga cabanaayo.

Laba mid uun weeyaan Reer Soomalilandoow 1. Ama Dawladda Muqdisho ee Somalia ayaa xoogaysatay ee yaan mar danbe waa dawlad taag daran lagu tilmaamin. 2. Ama inaga ayaa itaal daraanay Oo aan sidii hore ahayn.

Weli heerkan Oo kale Somaliland lalama soo gaadhin. Siyaasadda arrimaha gudahu kolkay fiican tahay ayaa ay siyaasadda arrimaha dibaduna fiicnaata. Hadaad doorashooyinkii qabsan karilaadahay Oo kolba dib u dhigayso, Oo cadaaladii iyo sharcigii shaqayn laayahay, Oo qalalaaso iyo dagaalo dhexdaada ka jiraan, oo cabashooyin tiro beelay ay Saami qaybsiga kuraasta dawladda iyo dhaqaalaha mashaariicda iyo Warshadaha aan hab maamuskeedii loo marin, Ma waxay Kula tahay in caalamku ku dhegaysanayo.

Kolba xaflad aynu inagu isu dhigno iyo cay dadka Reer koonfureed ay qaar u geystaan meel inama gaadhsiinayso. Habka diblomaasiyadeed iyo kan gude ahaanba ilaa aynu badelno sidaasay inoo ahaanaysa. Sownigii moodaayey mid ka mid ah wasiiradii Siilaanyo inuu TVga ka hor yidhi ” inagu dhinac baynu nahay dagaalka Yemen Oo xulufadda Sucuudiga ayeeynu ka tirsan nahay” maxaa dhacay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar ahayd lay nooga raacay oo aynu maanta uga cabanaa xoolo ayaa laynaga soo xidhay.

Waar sawtii ilaa dawladdii Daahir Riyaale xoolahu ay dhoofi jireen. Xisaabaha dhaqaale haba joogaane; Saldhigii Milateriga iyo dakadda dhan ee aynu bixinay miyeeynu wuxuun siyaasad ahaan ka faaiidin oo ku badalan? Maxaynu siisanay? Berigii aynaan bixin labaddan midna waxaan is leeyahay siyaasadeenii arrimaha dibadu way xoog weyneeyd? Caadifad iyo Farmaajo ayaa wax inaga soo xidhay ina wadi maysee, waxaynu u baahan nahay in talo la yeesho Oo wax layska dhegaysto, oo runtana laga midoobo. Xaflado iyo qudbado inama wadayaan.