Hay,ada Hanti Dhowrka Qaranka Somaliland o Baadhis Xoogan ka wada Xarunta wasaarada waxbarshada Somaliland

0

Masuq maasuq xoogleh ayaa laga soo sheegayaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland kaasi oo sababay in Hay’adda qaranka u qaabilsan dabagalka Hantida qaranku baadhis ku galalafaan.

Warar lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Wargeyska Foore heshay ayaa daaha ka rogtay in maalmihii u dambeeyay uu Hanti dhawrka Qaranka Somaliland baadhis xoogleh ka waday xafiisyadda lacagta iyo maamulka Wasaaradda Waxbarashada kadib markii ay gaadhay xog sheegaysa in Musuq maasuq iyo wax isdaba-marini ifka u soo baxday ay ka dhex jirto Wasaaradda. Wararkan ayaa sheegaya in xafiisyo muhiim ah oo Wasaaradda ah ay hanti dhawrku Albaabadda u laabeen, iyadoo wararka kalena ayaa sheegayaan in hanti dhawrku la wareegay dhamaan Documentiyaddii Xisaabta ee Wasaaradda

Arimaha ugu layaabka badan ee la ogaaday ayaa waxa ka mid ah in afka la iska mariyay lacag Culus oo EUROPEAN UNION ku bixin jireen tababarka macalimiinta kaasi oo la qaban jiray wakhtiga Dugsiyadda Dawladdu fasaxa kujiraan, oo ku beegnayd Bishan, waxaana la soo sheegayaa inaan lacagtaasi wax lagu qabtay aanay jirin ee sideeda loo musuq maasuqay.

Arimaha kale ee iyaguna cadaynaya in Musuq maasuq ka dhex jiro Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa ka mid ah in mashruuc lagu qiimaynayay Jamaacadaha Dalka in lacagtii yarayd ee loo qoondeeyay shaqaalihii hawshaasi qabanayay in iyagana laga cunay. Wararka arintani ku saabsan ayaa sheegaya in calaa qof loogu talo galay 1500,000 (Milyan iyo Shan boqol) oo shilinka Somaliland, islamarkaana markii ay hawshii soo dhameeyeen in Zaadka loogu diray 200,000-kun. Arintaasi ayaa waxay wasaaradda ka dhex dhalisay Buuq, markii ay meel walba gaadhay ayaa markii dambe shaqaalihii dib loo siiyay lacagtii oo dhamaystiran. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shaqaaluhu diiday inay xiitaa qaataan lacagtaasi, waxaanay arimahani ka mid ahaayeen waxyaabaha soo dedejiyay in Hanti dhawrku galo wasaaradda.

Wararka uu Foore ka helnay wasaaradda ayaa sheegaya in Doorkii wasiirku meesha ka maqan yahay oo aanu wasiirku tabcaanimo awgeed u gudan kari waayay shaqada taasi oo sababtay in Maamulkii wasaaraddu u gacan galo Shaqsiyaad halis ah oo aan waxba xeerinayn. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Abokor ayaa aad loogu xamanayaan arintani iyo kooxo dhalinyaro ah oo uu samaystay, waxaana baadhistani si gaar ah u khusaysaa Agaasimaha Guud. Dhinaca kale wasiir ku xigeenkii Maxamed Daahir ayaa isna geed lagu xidhay oo aan wax door ah ku lahayn dhaq dhaqaaqyada ka socda Wasaaradda.