Shirkada carbeed ee ganacsade All Jaabiri Sharcigee Ku Dhoofinaysaa Xoolaha Laga raro Dekada Berbera,
Ganacsadahan carbeed ee Aljaabiri Shirkadiisu waa mid mudo badan ku dhex jirtay ganacsiga xoolaha,
Waxaanu jaanis wanaagsan helay Sanandkii 2008 Xiligaasi oo uu ku guulaystay in uu dib usoo furo  Dhoofka Xoolaha oo xidhnaa mudo ku dhow sided sanadadood,
Hadaynu dib uyar noqono sideedii sano e dhoofka xoolaha ka xidhnaayeen dalka sucuudiga    waxaa ka fa,iidaystay dalka jabuuti   iyo ganacsadaha kale ee carbeed e All yaasir oo xoolaha ka rari jiray dalka jabuuti,
Hadaba ganacsadha carbeed e Aljaabiri Isna Wuxuu Kooto ku xidhay xoolaha ka Dhoofa Berbera mudo dhowr sano ah markii u sameeyay macjarkii ugu horeeyay ee xoolaha lagu dhakhtariyo kaas oo shahaadadiisa caafimaadka xoolaha sharci ka ahayd wadmada khaliijka,
Gancsadae Alljaabiri xaalada Adag ee iminka ka taagan dhoofka xoolaha ee xukumada farmaajo siyaadayasay wuxuu isku dayay in uu furdaamiyo oo xeelado qarsoon ku dayo laakiin wali umay suura galin,
Wararka ugu danbeeyay ee laga hellayo         illo xog ogala ayaa sheegaya in shirkada all jaabiri damacday inay khiyaamo ku rarto xoolaha ka dhoofa dekada berber waxaana la sheegay in uu soo qaatay warqadii aay xukuumada xamar sucuudiga dhegta u saaratay sidoo kalena uu qaato warqada caafimaadka xooaha ee laga bixiyo xafiiska wasaarada xanaanada xoolaha e Somaliland berbera  kadibna uu sidaa ku rarto xoolihiisa,
Arrinkan ayana u muuqda mid khiyaamo qaran ah hadii sidaa la sheegay rumowdo waxaanay noqonayasaa markii ugu horaysay mudo 28 sano ku siman in xoolaha Somaliland ku dhoofaan warqad xamar lagasoo jaro
Xogta la hellayo ayaa dhanka kale sheegaysa in ninka la yidhaa Cabdil qaadir oo ku magacdheer BULAALE oo Hore shuraako ula ahaa    Alljabiri iyo Labada ganacsato e Aadan baradho iyo Cali Waraabe uu xiligan yahay madaxa bixinaya warqada dawlada xamar ku xidhay dhoofka xoolaha soomaalida sidaa laajigeed la doonayo in khal khal lagu galiyo siyaasada xoolaha e jamhuuriyada Somaliland meesha adag ka istaagtay,
Xiligan waxaa Buuxa Macjarka Aljaabiri oo waxaa u diyaarsan illaa 60 oo nee foo adhi ah kaas oo shirkada aljaabiri doonayso in aay ku rarto markabka layidhaa LAYLA J kaas oo tagan haabada dekada berbera inakstoo galinkii danbe e manta inta lasoo xidhay hadana dib looga furay dekada,
Dabcan Hadaba intii La Doortay Xukuumada xamar e farmaajo Haysto ayaa waxaa Isasoo tarayay khilaafka ka dhexeeya labada dal heerka uuu manta gaadhayna waligii ma gaadhin oo xukuumadihii hore e dalka soomaaliya soo maray sida Xasn sheikh maxamuud iyo Shariif Axmed marna cadaawad may muujin labada dal ka dhaxays oo xataa wadahadalo ayaa u socday labada dal aay  kaga wada hadlayeen mustaqblaka danbe wixii xal noqonayo