Safiirada 11 Dal Oo Reer Yurub Ah Oo Cabasho U Gudbiyey Dawlada Itoobiya

0

Wasiirka cusub ee arimaha dibada Itoobiya Gedu Andargachew ayaa wada hadal ah la qaatay safiirka midawga yurub u qaabilsan dalkaasi iyo danjirayaasha 11 wadan oo ka tirsan qaarada yurub.

Kulanka wada hadalka ah ayaa yimid ka dib markii ay danjirayaasha wadamada Yurub codsadeen inay kulan la qaataan wasiirka cusub ee arimaha dibada dalka Itoobiya Gedu Andargachew.

Safiirka midawga yurub u qaabilsan Itoobiya Johan Borgs oo ugu horayn ka hadlay kulanka ayaa wasiirka uga mahad celiyey jawaabta degdega ah ee uu ka soo bixiyey kulankii ay ka codsadeen, waxaanu soo bandhigay fariin tacsi ah oo ay la wadaagayaan shacabka Itoobiya ka dib dilkii taliyihii ciidamada, isaga oo xusay inuu si gaar ah fariintaas u gaadhsiinayo qoyskii taliyaha la dilay.

Safiirka midawga yurub ee Itoobiya Johan Borgs sidoo kale waxa uu sheegay in midawga yurub ay si buuxda u taageersan yihiin qorshayaasha dib u habayn ee socda isaga oo xusay inay ku faraxsan yihiin dib u habaynta ilaa hada lagu sameeyey dhaqaalaha, waxaanu cadeeyey in dib u habayntadhaqaalaha ee Itoobiya ay ku taageerayaan lacag gaadhaysa €1.4 billion ilaa sanadka 2020 si loogu guulaysto isbadalka dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wadamada midawga Yurub ay mashaariic maalgashi ah oo ku baxaya €1 billion ay ka fulinayana dalka Itoobiya, talaabadaas oo muujinaysa ayuu yidhi xidhiidhka adage e ka dhaxeeya Itoobiya iyo midawga Yurub.

Dhinaca kale safiirka midawga yurub ee Itoobiya Johan Borgs ayaa soo bandhigay sida aanay ugu faraxsanayn in dawladu hakiso adeega internet-ka wakhtiyo kala duwan isaga oo xusay in arintaasi ay saamaysay hawl maalmeedkoodii shaqo waxaanu xukuumada Itoobiya ugu baaqay inay xal u raadiso dhibaatadan.

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya Gedu Andargachew ayaa dhinaciisa safiiradan uga waramay dib u habaynta dhaqaalaha ee ay xukuumadu wado, isaga oo ka codsaday inay gacan ka gaystaan shirkadaha laga leeyahay dalalkooda ee saamiyada ku leh dalka Itoobiya.

Sidoo kale wasiir Gedu ayaa ka jawaabay cabashada la xidhiidha dhinaca Internet-ka isaga oo xusay in wasaaradiisu ay la shaqayn doonto hay’addaha ku shaqada leh si loo xaliyo dhibaatadan.