Cilmi Boodhari ‘boqorkii jacaylka’ oo taallo looga dhisay Berbera

0

Maamulka dowladda hoose ee magaalada Berbera ayaa BBC-da u sheegay in gudaha magaalaada ay ka dhiseen taallo lagu xusayo, laguna xusuusanayo boqorkii jacaylka ee Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari). .

Jimcaale Cabdullaahi Jaamac oo ah agaasimaha waaxda qorsheynta dowladda hoose ee Berbera ayaa sheegay in taalada ay dhiseen ay tahay mid loo ekeysiiyay foornadii rootiga ama muufo, taas oo ahayd halkii uu shaqada ka bilaabay Boodhari sannadihii 1930-naadkii markii uu Berbera yimid.

“Fikirka taalada waxay ku timid maadaamaa magaalada Berbera ahayd meeshii astaanta u ahayd, in magaalada laga helo marka qof dalxiis ah yimaado meel lagu xusuusan karo, waxaan isla garanay in aan u samayno taallo u gaar ah, oo magaciisa ku xardhanyahay, gabadhadiisii iyo astaamihiisii oo dhana ay ku xardhanyihiin” ayuu yiri Agaasime Jimcaale.

Sida ka muuqata sawirrada lala soo wadaagay BBC-da, waxaa weli socota dhismaha taallada, waxaana hadda la dhisay foornadii, iyada ay taallada haysato bed dhul ah oo gaaraya illaa 20 mitir, halkaas oo laga samayn doono beer ay lammaanayaasha ku haasaawi karaan.

Jacaylkii Cilmi Boodhari oo ah wax ay ka sheekeeyaan jiilalka dadka Soomaalida ayaa bishii Maarso ee sannadkan soo galay saxaafadda kadib markii nin dhallinyaro ah uu xafladii Aqal Galkiisa ku dhigtay xeebta Bad Talaale oo ka mid ah meelaha astaanta u ah Boodhari.Caydaruus Cabdullaahi Ismaaciil (Beershiya) oo ay BBC-da la xiriirtay, waxna ka weeydiinay sida uu u arko taallada laga dhisay halkii uu ku aqal galay ayaa yiri “maadaamaa Berbera ay taariikh gaar ah u leedahay Boodhari, oo marka lasoo hadal qaado ay maskaxdaada kusoo dhacayso boqorkii jacaylka Cilmi Boodhari, waa tii abwaanku lahaa— Berbaraay, beertii Jacaylkee, Boodhari ku aasnaa —- aad bayna muhiim u tahay in taallo iyo meel lagu xusuusto loo sameeyo”.