Jubaland oo gaashaanka u daruurtay in dowladda Federaalka ay ku lug yeelato doorashada

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa soo saartay nidaam ay sheegtay inay tahay in loo mari doono xulista xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland iyo doorashada madaxweynaha maamulkaasi ee soo aaddan.

Waxaa durbadiiba arrintaasi gaashaanka u daruuray maamulka Jubaland oo sheegay inay taasi ka soo horjeedo dastuurka Federaalka ee dalka.

Wasaaraddu bayaan ay soo saartay ayey ku soo bandhigtay habraac ay sheegtay inay tahay in la raaco inta lagu guda jiro doorashada maamul goboleedka Jubaland.

Odayaasha dhaqanka ayey sheegtay wasaaraddu inay leeyihiin soo xulista xildhibaannada halka wasaaraduna ay wax ka lahaan doonto ansixitooda.

Dhankeeda xukuumadda Jubaland oo soo saartay bayaan arrintaasi uga jawaabayso ayaa waxa ay dowladda Federaalka ah ku eedaysay inay faragelin qaawan ku hayso guud ahaan maamul goboleedyada gaar ahaanna Jubaland.

Jubaland waxa ay sheegtay in bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha aanay xaq u lahayn inay soo farageliso doorashada maamulkaasi.

Halkan hoose ka akhriso bayaanka oo dhameystiran.

Dhanka kale bayaan ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay ixtiraanto doorashooyinka u qorshaysan inay dhawaan ka dhacaan maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Halkan hoose ka akhriso bayaanka oo dhameystiran.