Magid Magid: 30 jirkan Soomaliga ah ee lala yaabay sida uu dhaqso heerkaas u gaaray

0

Magid Magid oo ah xildhibaan xisbiga Green ku matala baarlamaanka Yurub ayaa maalintii ugu horreysay ee uu soo shaqo galo loo sheehay in uu dibedda uga baxo dhismaha baarlamaanka Yurub ee ku yaal magaalada Strasbourg.

Magid ayaa waxa uu xirnaa Koofiyad iyo fanaanad ay ku qoran yihiin ‘Faashistinimadu duf ha ku baxdo’ taas oo keentay in bannaanka u bax lagu dhaho.

Waa kuma Mr Magid? Caqabado intee la’eg ayuuse wajihi karaa 30 jirkaan asalkiisu Soomaaligu yahay?

Waan ogahay in muuqaal ahaan aan ka duwanahay dadka kale. Marnaba ma qarin karo jinsiyaddayda. Waxaan ahay qof madaw ah magacayguna waa Magid!”

Tani ayaa ahayd jawaabta uu Mr Magid bixiyay mar lagu yiri banaanka uga bax dhismaha baarlamaanka Yurub.

Baarlamaanka Yurub wuxuu sheegay iney jirin cid ka mid ah shaqaalaha oo dhacdadaasi ku lug lahayd.

“Mr Magid wuxuu dhankiisa sheegay in qofka ka codsaday inuu dibadda u baxo uusan garaneyn qofka uu yahay, balse wuxuu sheegay inuu u maleynayo inuu qof mas’uul ah ahaa.”

“Wuxuuna sheegay inuu qofku weydiiyey inuu soo habaabay, kaddibna wuxuu iga codsaday inaan baxo” ayuu yiri.

Way adagtahay in laga doodo oo la yirahdo hadalkiisa ma ahan mid sax ah sababtoo ah baarlamaanka Yurub oo ka kooban 751 xubnood waxaa aad ugu yar xildhibaanada madawga ah oo xitaa waxa ay ka yar-yihiin 12 xubnood.

Dadka reer Sheffield, ayaanan la yaab ku noqonin haddallada geesinimada leh ee aan meel loogu soo gaban ee Mr Magid sababtoo ah horay ayay ugu yaqaaneen hadalladaasi.Magid Magid waxa uu ku dhashay magaalada Burco ee waqooyiga Soomalia. Ka hor inta aysan qoyskiisa UK imaanin, waxay muddo lix bilood ah ku jireen xero qaxooti ah oo ku taalla dalka Itoobiya. Sannadkii 1994-kii ayay qoyskiisa oo ka koobnaa Lix caruur ah iyo hooyadii u suurogashay in ay UK ka helaan dib u dejin gaar ahaan magaalada Sheffield.Balse Magid ayaa sheegay in xaaladda aysan wanaagsanayn ka dib markii gaarigiisa la tuur-yeeyay isla markaana loo soo diray farriimo midab takoor ah, looguna hanjabay in ladilayo.

Waxa uu ka baxay Iskuulka Fir Vale ee Sheffield, ka hor inta uusan Jaamacadda Hull ka bararnin cilmiga noolaha biyaha ku jira.

Mr Magid waxa uu ahaa ganacsade ka hor inta aan sannadkii 2016-kii laga soo dooran Broomhill iyo Sharrow. Sannadkii 2018-kii ayuuna nqoday ninkii ugu da’da yaraa ee maayir ka noqda magaalada Sheffield.

Magid ayaa BBC-da usheegay in uusan wax badan ka xusuusan carruurnimadiisi isla markaana uusan dib ugu laaban dalkii uu ku dhashay.

“Waxaan xusuustaa in aan faraxsanaa oo aan iska ciyaari jiray si la mid ah carruurta kale,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in noolashu ay adkayd markii isaga iyo qoyskiisa ay yimaadeen UK, gaar ahaanna barashada luuqadda Ingiriiska iyo in ay nolasha cusub la qabsadaan.

Magid Magid ayaa dad badan ka yaabiyay ka dib markii uu magaalada Sheffield ee uu maayarka ka ahaa uu “ka mamnucay” madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo xilligaasi booqasho ku joogay Britain.

Magid ayaa ku dhawaaqay go’aankan mar uu shir guddoominayay golaha deegaanka Sheffield “arrintaasi oo walaaltinnimo loogu muujinayay dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.

Waxa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan” ee Sheffield.

Balse waxaa go’aankaasi ka so horjeedsaday qaar ka mid ah golaha deegaanka magaalada Sheffield oo waxa ayna sheegeen in uusan lahayn awood sharci oo uu Trump kaga mamnuuci karo booqashada magaaladaasi.

In kastoo Magid uu muddo kooban ka sii mid ahaan doono baarlamaanka Yurub maadaama Britain ay ka baxayso Yurub 31 Oktoobar, haddana Magid Magid waxay u tahay fursad qaali ah iyo horumar wanaagsan.

Balse dhanka kale waxaa dunida caan ka noqday sheekooyinkiisa oo xitaa uu ka mid yahay Iskuulka Crocker Farm Elementary ee Amherst, oo ay dhigtaan ardey ka soo jeedda qaaradda Afrika.

Jean Fay oo macallimad ka ah Iskuulkaasi ayaa sheegtay in laba arday oo ka soo kala jeeda dalalka Sri Lanka iyo Cape Verde ay aad u soo jiidatay heerka uu gaaray Magid oo iyaga la mid ahaa markii uu dalka imanayay.

labadan ardey ayaa markasta akhriya taariikhda ninkan indhaha caalamka soo jiitay ee markii uu dalkan imanayay ku hadlayay luuqad ka duwan tan dalka looga hadlo, sida iyaga oo kale.