Madaxwaynaha Dawlada Ajanabigu Illaaliyo e Xamar oo Dagaal Dublamaasiyadeed kusoo Qaaday Jamhuuriyada Somaliand

0

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa wali dedaal ugu jirta sidii ay hab dublamaasiyadeed ugu hor istaagi lahayd dhaqdhaqaaqyada ay somaliland ku raadinayso inay hesho ictiraaf caalami ah.

Dawlada soomaaliya ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaysa isla markaana doonaysa inay hakiso dedaalada ay somaliland galinayso wadamada ku yaala qaarada Afrika ee xidhiidhka dublamaasiyadeed ka dhaxeeyo taas oo ay si weyn uga xumaatay xukuumada muqdisho.

Dawlada Soomaaliya oo dhawaan dacwad ka dhan ah somaliland u gudbisay wadanka Kenya oo aanay ilaa hada jawaab ka helin ayaa mar kale isku dayey inay carqaladayso socdaalka uu madaxweynaha somaliland ku joogo wadanka ku yaala afrikada galbeed ee Guinea.

Wararka ayaa xaqiijiyey in dawlada Muqdisho ay safiirkeedii midawga yurub iyo wadanka Belgium Cali Siciid Fiqi u dirtay dalka Senegal ee ku yaala galbeedka Afrika si uu halkaas uga bilaabo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dedaalada ay somaliland wadamada Afrika kaga doonayso ictiraaf ay ka hesho.

Sidoo kale wararka ayaan ilaa hada soo bandhigin waxyaabaha u qabsoomay safiirka ay soomaaliya u dirtay dalka Senegal iyada oo weftigii somaliland ay si habsami ugu guda jiraan hawlihii shaqo ee ay u tageen wadanka Guinea ka dib martiqaadkii uu madaxweynaha somaliland ka helay dhigiisa dalkaasi.

talaabooyinka ay qaadayso dawlada Soomaaliya ayaa muujinaya in dawlada soomaaliya ay dhinac iska saartay wada hadal iyo macaamil wanaagsan oo ay soomaliland la yeelato inta ay dhinac u kala baxayaa taas badalkeedana ay awooda saarayso inay hor istaagto talaabo kasta oo ay somaliland qaado isla markaana ashkato gaadhsiiso wadamada sida tooska ah xidhiidhka ula samaysta, qorshahaas oo haatan u muuqda inuu fashilmayo isla markaana aanu hirgeli karin.

Hadhwanaagnews.com