Xaaska amiirka Dubai oo ku dhuumanaysa London Nolasheeda danbena u baqaysa

0

Amiirad Haya bintu al-Xuseen oo ka mid ah xaasaska amiirka Dubai Sheekh Maxamed al-Maktuum, ayaa waxaa soo wajahay cabsi xooggan kadib markii ay kasoo carartay seygeeda.

Sheekh Maxamed ayaa bartiisa Instagram soo dhigay tix uu si caraysan ugu eedeeyay haweeney aanu magacaabin oo uu sheegay inay khiyaantay.

Amiiradda ayaa la sheegay in horraantii sanadkan ay u baxsatay dalka Jarmalka halkaa oo ay magangelyo weydiisatay, kadibna ay aaday magaalada London oo ay ku leedahay guri weyn.

Ilo wareedyo ku dhaw amiiradda ayaa sheegay in baxsashadeeda ay xiriir la yeelan karto gabadha uu amiirka dhalay ee Sheekha Latifa, taasoo si qasab ah loogu celiyay Dubai oo ay markii hore ka carartay.

Amiiradda ayaa si weyn u difaacday soo qabashada gabadhaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa in markii dambe ay ogaatay xog ka qarsooneyd oo ku aaddan arinta gabadha.

Mas’uuliyiinta Dubai ayaa sheegay in Sheekha Latifa ay halis ugu jirtay in laga faa’iideysto, haddana ay si ammaan ah ku joogto magaaladaasi.

Amiirad Haya ayaa ka cabsi qabta in sida gabadhaasi qasab loogu celiyo Dubai oo uu ka taliyo seygeeda.

Safaaradda uu Imaaraadka ku leeyahay London ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho wax ay ku tilmaamtay arin shakhsi ah oo u dhexeysa laba qof.

Amiirad Haya oo ay isku aabo yihiin boqorka Cabdallaha Urdun isla markaana wax ku baratay dalka Britain, ayaa sanadkii 2004 guursatay amiirka oo hanti badan ku leh London. Waxa ay noqotay xaaskii lixaad ee u dhaxda amiirka iyo bahyaradiisa.

Sheekh Maxamed ayaa la sheegay inuu xaasaskaasi kala duwan ka dhalay 23 carruur ah.

Xiisad diblomaasi

Haddii Sheekh Maxamed uu dalbado in loo soo celiyo xaaskiisa, waxaana taasi ay wareer diblomaasi ku noqon doontaa Britain oo xiir dhaw la leh Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waxa ay sidoo kale arintan taabanaysaa Urdun oo ah dalka ay u dhalatay amiiradda, kaasoo in ku dhaw rubuc milyan muwaadiniintiisa ah ay ka shaqeeyaan Imaaraadka ayna lacago badan dalkooda ku celiyaan.