Dilal Siyaabo Kala Duwan Uga Dhacay Muqdisho iyo Afgooye

0

Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen Oday dhaqameed siweyn looga garanaya degmada oo lagu magacaabi jiray Xassan Yuusuf Baani.

Toogashadan ayaa xalay ka dhacday meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala tuulada laga magacaabo Sagaalaad oo warar soo baxaya sheegayaan in uu mar guddoomiye ka soo noqday marxuumka la dilay.

Raggii toogashada geystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen waxaana goobta markii danbe gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Laba Nin oo ku hubeysnaa toorey ayaa la sheegay in xalay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ay ku dileen Nin magaciisa lagu sheegay Saciid Cumar Xassan oo hore guddoomiye uga soo noqday maxkamada gobolka Shabeellaha hoose.

Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu tilmaamaa meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dilalka kooxaha hubeysan ay ku bartilmeedsadaan shaqsiyaadka hore xilalka uga soo qabtay dowlada, odayaasha dhaqanka iyo askarta intaba.