Deg Deg War , Degmada Ceel Afwayn oo xalay Rasaas Laysku waydaarsaday

0

Rasaas xoog ku bilaabantay oo u dhaxaysa beelihii  hore ugu dagaalamay degmada Ceel Afweyn ayaa ka bilaantay degmadaasi.

Sida uu sheegayo wariyaha Hadhwanaagnews ee gobolka Sanaag, Rasaastan ayaa hada si teel teel ah uga dhacaysa gudaha degmada Ceel Afweyn iyada oo aan hada lahayn awoodii ay ku bilaabantay.

Sidoo kale wararka ayaan ilaa hada xaqiijin waxyaabaha sababay in iska horimaad dagaal mar kale ka qarxo degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag oo dhawr goor oo hore heshiis la kala dhex dhigay beelaha hada ku dagaalamaya.

Iska hor imaadka ka socda degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ee u dhaxeeya beelihii hore u dagaalamay ayaa ilaa hada Hadhwanaagnews loo xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay hal qof oo dhalinyaro ah kaas oo xabad jeeraaro ahi ka heshay suuqa.

Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin dhinacyada uu dagaalku ku dhexmarayo gudaha magaalada Ceel Afweyn, iyada oo wariyaha Hadhwanaagnews uu xaqiijiyey inaanay jirin ciidamo ilaa hada kala dhexgalay.

hadhwanaag xigasho