Loolan Siyaasadeed Cusub Oo Ka Dhex Qarxay Damul Jadiid Iyo Nabad Iyo Nolol

0

Labada garab ee ugu awooda badan Siyaasadda Soomaaliya waa Nabad iyo Nolol oo hadda hayo talada dalka iyo Damul Jadiid oo hadda sameystay xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Nabadda iyo Horumarka  oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Labadaan garab ayaa waxaa u dhaxeeyo loolan adag oo dhanka Doorashooyinka maamul Goboleedyada oo ah aasaaska koowaad ee loolanka doorashada guud ee dalka ka dhici doonto marka uu dhamaado waqti xilliyeedka Dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi oo ay hadda u harsan tahay hal sano iyo bar.

Loolanka u dhaxeeyo labadaan garab ayaa hadda ah mid barbaro ah marka loo fiiriyo tartankii ay ku galeen doorashooyinkii ka kala dhacay Koonfur Galbeed oo ay Nabad iyo Nolol ku guuleysatay iyo Puntland oo larumeyan yahay inay ku guuleystay Damul Jadiid oo hadda waji cusub siyaasadda kusoo geli doono maadaama Deni uu Damul Jadiid ka tirsanaa.

Loolanka ugu adag ayaa wuxuu labadaan dhinac ku dhex marayaa doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo deegaanada Galmudug halkaas oo uu maalmihii dambe booqasho ku joogo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkeeda ugu dambeeyo ku bixineyso sidii uu Galmudug ugu guuleysan lahaa shakhsi ay iyada wadato si ay iyada usoo xusho xildhibaanada Federaalka kasoo galayo Maamulkaas, maadaama xubnaha mucaaradka dowladda intooda badan ay Baarlamaanka kasoo galaan maamulkaas.

Halka Xisbiga uu hoggaamiye Xasan Shiikh Maxamuud ay culeys weyn dareemayaan maadaama Nabad iyo Nolol laga yaabo inay halkaas kaga guuleysato, waxayna wadaan dadaalkooda ugu dambeeyo oo ay ku doonayaan inaysan Galmudug gacanta u gelin Nabad iyo Nolol taasoo sabibi karto inaysan saameyn ku yeelan Doorashada dalka ka dhici doonto.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa socdaal dheer kusoo maray deegaanada Galmudug sida Dhuusamareeb, Guriceel, Cabudwaaq, Xiraale iyo Cadaado, wuxuunau jeedka ugu weyn yahay sidii ay dowladda Soomaaliya uga hirgelin laheyd qorshaha ay la damacsan tahay Galmudug oo ah inay gacant ku dhigto maamul ahaan iyo soo xulista Xildhibaanada Federaalka marka la gaaro waqtiga Doorashada.

Xildhibaano ka tirsan Kooxda Damul Jadiid ayaa dhankooda wado olole xooggan, waxayna  Cadaado kula kulmeyn odayaal dhaqameedyada, iyagoo kala hadlay inaan gacanta loo gelin Galmudug Dowladda Federaalka isla markaasna ay doorashada noqoto mid aan mugdi ku jirin.

Galmudug ayaa noqon doonto meesha ugu badan oo uu ka dhici doono loolanka u dhaxeeyo Damul Jadiid iyo Nabad iyo Nolol, maadaama Xildhibaanada saameynta leh ay halkaas kasoo jeedaan

Marka la fiiriyo Doorashada ka dhici doonto Jubbaland waqtigaan la joogo wax saameyn ah kuma lahan Nabad iyo Nolol waxaana xiriir ahaan Axmed Madoobe kaga dhow Damul Jadiid, waxaana macquul ah inuu labadaan dhinac dhex maro wada shaqeyn ku aadan in Dowladda Soomaaliya loo diido inay Jubbaland kasoo saarato xildhibaano daacad u ah.

Haddii aysan wax is badalin, lama rajeenayo inay dowladda gacanta ku dhigto jubbaland, maadaama uu Axmed Madoobe diiday inay wax lug ah dowladda ku yeelato doorashada isagoo ka shaqeenayo sidii uu usoo xuli lahaa XIldhibaano isaga dib usoo doorto marka la fiiriyo qaabka ay hadda wax u socdaan iyo Guddiga doorashada oo daacad u ah Axmed Madoobe.

Doorashooyinka Galumudug iyo Jubbalanad  aya go’aamin doono cidda yeelan doonto awooda  doorashada soo socoto maadaama ay hadda dowladda gacanta ku heysato Kaliya Koonfur Galbeed halka Hirshabellana aysan weli meel u dhicin iyadoo ay isku dhaceyn Waare iyo Nabad iyo Nolol lagana yaabo inay bilowdaan mooshin meesha looga saarayo Waare markaasoo Hirshabeelana ay ka dhici doonto hardan culus.