Xukuumada xamar oo Joojisay Wadhadalkii ay Ku blan sanaateen Somaliland

0

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ganafka ku dhufatay wada hadalkii ay somaliland kula yeelanaysay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Dawlada soomaaliya ayaa sheegtay inaanay wax wada hadal ah kula yeelanayn wadanka Kenya xukuumada somaliland iyada oo aan soo bandhigin sababaha ay uga baxday kulankii lagu balansanaa inuu ka dhaco Nairobi.

Image may contain: 1 person, text

Dawladda Kenya iyo Soomaaliya ayuu ka dhexeeya xidhiidh sii xumaanayay muddooyinkii u dambeeyay mana cadda sababta Soomaaliya shirkan u diiday.

Shirka waxa qayb weyn ka ah beesha caalamka waxaana la filayay in uu hor dhac u noqdo kulamo ay wada yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Agaasimaha madaxtooyada somaliya Dr Nuur Diiriye ayaa bogiisa Twitter-ka waxa uu ku shaaciyey go’aanka cusub ee ay dawlada soomaaliya qaadatay isaga oo xusay inaanay ka qayb galayn shirkaasi Nairobi, isaga oo xusay in wada hadalka somaliland uu yahay mid ka go’an dawlada Muqdisho kaas oo la fulinayo wakhtiga ku haboon.