Madaxwaynaha dawlada xamar oo Wali Ku taamaya in uu Soo Celiyo Sistemkii Kacaankii,iyo Dawlada Dhexe oo Awood leh

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay ardayda jaamacadda ummadda ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda dalka ka taagan, gaar ahaan isfaham darada ka dhex jirta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

“Qof kasta si ha u arko, wuxuu ka mid yahay dooda socota, oo ay dowladnimadeena ku dhismayso, oo aan ku fasireyno muxuu yahay federaal iyo muxuu yahay confederate (habka kale ee federaalka ee dowladaha isku biirey ), inkasta oo nala dacaayadeeyo, anaga waxaan niraahnaa federaalka saxda ah anaga ayaa ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray “Maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, dowlad dhexe oo ciidan leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, dowlad dhexe oo xuduudaheeda illaalisa” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale dhallinyaradii uu la hadlayay ku dhiirogaliyay in aysan aqbalin wax ka yar dowlad adag.