Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee Itoobiya oo la toogtay

0

Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee Itoobiya oo la toogtay

Weriyaha BBC-da ka tirsan ayaa kusoo warramaya in ninkii la sheegay inuu ka dambeeyay iskudaygii afgembi eek a dhacay gobolka Amxaarada, Janaraal Asamnew Tsige ay toogteen ciidammada booliska dalkaas.

Waxaa lagu soo warramaya in lagu dilay deegaan u dhaw goobtii uu weerarka ka dhacay Sabtidii.

Janaraalkan ayaa la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay afgembigii dhicisoobay ee lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo madaxii ciidammada Itoobiya.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa, waxay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xirnaa, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay madaxii ammaanka gobolka Amxaarada Janaraal Asaminew Tsige inuu ka dambeeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolkaas.

Ilaa hadda lama garanayo halka uu ku dambeeyay janaraal Asaminew Tsige oo isagu si weyn loo dondoonayo.

Waxaa hadda socdaa baadigoob lagu raadinayo ninkan, sida ay BBC u sheegeen saraakiisha ku sugan goblka Amxaarada.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa, waxay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xirnaa, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, saraakiisha ugu sarreysa maamulka Amxaarada ayaa Sabtidii markii uu weerarka dhacayay ka arrinsanayay tallaabooyin uu waday janaraalka oo ahaa inuu qoranayay ciidamo maleeshiyaad ah.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa dadweynaha gobolka Amxaarada kula taliyay bishan inay hubka qaataan, sida lagu sheegay muuqaal laga soo duubay oo baraha bulshada lagu baahiyay, waxaana dadkii arkay muuqaalkaas kamid ahaa weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters

Xeer ilaaliyahii guud ee gobolka Amxaarada Itoobiya,Migbara Kebede, ayaa u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray weerarkii lagu tilmaamay iskuday afgembi oo Sabtidii ka dhacay magaalada Bahir Dar, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Dowladda Federaalka waxay ku tilmaantay weerarkaas isku day afgembi oo ka dhan ahaa maamulka Amxaarada.

Xeer ilaaliyahan ayaa ku dhaawacmay weerarkii ay ku dhinteen madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo la taliyihiisi oo xilliggaas ku sugnaa xafiiska maamulka.

Calanka dalka Itoobiya ayaa hoos loo dhigay, teleefishanada waxay baahinayaan farriimo tacsiyo ah iyo baaq nabadeed oo ay jeedinayaan madaxda gobollada iyo dowladda federaalka, hoggaamiyeyaasha diimaha waxay sidoo kale ku baaqeen nabadda.

Xubnaha ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya waxay joojiyeen kalfadhi ay yeelan rabeen kaas oo la filayay inuu khudabad ka jeediyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, Itoobiya maanta waxaa ka socotaa baroor diiq.

Booliska waxay sheegeen in askarigii dilay janaraal Seare Mekonnen uu is dilay markii uu toogtay janaraalka.

Shir ja’raaid ay booliska ku qabteen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, madaxa ciidammada booliska waxaa uu sheegay in dilkii loo geystay taliyiihii guud ee ciidammada Itoobiya iyo madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen uu soo maleegay janaraal Asamenew Tsige oo ah madaxii ciidammada gobolka oo ay hadda ku raad joogaan ciidammada.

Waxaa uu iskudaygan afgembi uu ka dhacay magaalad BahirDar oo ku taalla waqooyiga dalkaas.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen in dilka saraakiishaas looga gollahaa in la afgembiyo hoggaanka maamulka Amxaarada isla markaasna kuwo dilka geystay ay xireen saraakiishii ammaanka ka hor inta aysan dilin madaxweynihii maamulka Amraaxada iyo la taliyihiisi.

Dhan kale, dowladda Itoobiya waxay sheegtay in Migbaru Kebede, oo kamid ahaa mas’uuliyiinta maamulka Amxaarada oo uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray dhibaatadii ka dhacday magaalada Bahir Dar.