Macallin 16 sano lala’aa oo haatan maydkiisii iskuulkii uu macalllinka ka ahaa laga dhex helay

0

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Shiinuhu haraaga maydka macallin la waayey 16 sano ka hor ayaa haatan laga helay iskuulkii uu ka shaqaynayey hoostiisa.

Deng Shiping ayaa diiday in uu oggolaado dhisme loogu talagalay ciyaaraha, oo u dareensanaa in aan si wanaagsan loo dhisin.

Booliiska ayaa sheegaya in ninkii garoonkaas dhisay uu haatan qirtay dilka iyo aasitaan Mr Deng oo dhacay bishii Janaayo ee 2003-dii.

Lix nin oo kale oo la rumaysan yahay in ay ka mid ahaayeen dadkii wax ka dhisay goobtaas ayaa ninkaas lala xidhay.

Masuuliyiinta magaalada Huaihua ee kutaal badhtamaha Shiinaha ayaa sheegay in Khamiistii lafaha maydka Mr Deng laga dhex helay Islkuulka hoose dhexe ee lagu magacaabo Xinhuang.

Muuqaal la soo galiyey baraha bulshada ayaa muujiyey ayadoo dadka wax baara ay isku hareereeyeen goobtaas oo ay baadhitaan ku samaynayeen.

Wiil uu dhalay Mr Deng ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in aabbihiis loo xil saaray kormeerka hawlaha dhismahaas.

Balse markii dambe waxa uu dacwad ka gudbiyey Du Shaoping, oo ah ninka haatan dilkaas qirtay, oo uu ku sheegay in uu lacag lunsaday isla markaasna uu adeegsaday qalab ay tayo badnayn.

Garoonka iyo waddadaba waxaa dhisay dad ay qaraabo yihiin maamulaha iskuulka,” ayuu yidhi

“Waxa uu rumaysnaa in uu jiray walaac xooggan oo ku saabsan tayada dhismaha.

“Waxa uu diiday in uu saxiixo shaqadaas waxa uu arrinta ku wargaliyey dawladda. Intaas kaddibna waaba la waayey.”

Nin ay walaalo yihiin Mr Deng ayaa warbaahinta gudaha u sheegay: “Waxa aan qabnay tuhun ah in waayitaanka ninkaas ay u badan tahay in uu afkiisa eersaday”

Haraaga maydka ayaa la qaaday si baadhitaanno gaar ah loogu sameeyo waxaana loo xil saaray xeeldheereyaal gaar ah oo dambigaas baadhitaan ku sameeya.