Wararkii ugu dambeeyey doorashada musharaxiinta Ra’isalwasaaraha Britain

0

Xubnaha xisbiga Conservative-ka ugu jira Baaralamaanka UK ayaa goor dhaweyd ay u bilaabatay codeyntii ugu dambeysay oo laba wareeg ka kooban oo ay ku kala xulanayaan afarta nin ee isagu soo haray tartanka hogaamiyaha xisbigaas isla markaana noqonaya Ra’isalwasaaraha badalaya Mrs Theresa May oo xafiiska ka tagayesa.

313 xildhibaan ayaa codeynta ka qayb qaadanaya waxaana marka hore saddex laga soo reebi doonaa afarta nin oo kala ah Boris Johnson, Sajid Javid, Miceal Gove iyo Jeremy Hunt, iyadoo natiijadaasi soo bixi doonto saacadda Afrikada Bari marka ay tahay 3-da galabnnimo.

Isla maanta waxaa dhici doona wareeg kale oo u dhaxeeya sadexda musharax ee ugu codadka badan , ka dibna xubnaha Baarlamanku waxay dooran doonnaan labada musharax ee u gudbi doona wajiga ugu dambeeya ee tartankaas. Natiijadaas ayaa soo bixi doonta 8-da fiidnnimo ee caawa.

Boris Johnson, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ayaa wareegii saddexaad ee shalay dhacay wuxuu galay kaalinta koowaad isagoo helay 143 cod, waxaana uu ka codad badatay Jeremy Hunt oo ah xoghayaha arrimaha dibadda oo 54 cod ku guuleystay, xoghayaha deegaanka Michael Gove oo xaqiiqsaday 51 cod, Sajid Javid oo ah xoghayaha arrimaha gudaha oo 38 cod uruursaday, halka xoghayaha horumarinta caalamiga ah Rory Stewart oo helay 27 cod aanu u gudbin wareega maanta maaddaama aanu helin codadkii loo baahnaa.

Afarta musharax ee isku soo haray ayaa saddex ka mid ah waxay wasiiro ka yihiin xukuumadda Mrs May, halka Mr Johnson uu ahaa xoghayihii hore ee arrimaha dibadda.

Labada nin ee ugu codka badan ayaa midka noqonaya Ra’isalwasaaraha iyo hogaamiyaha xisbiga Conservative waxaa soo dooraan doona 160-ka kun ee qof ee xubnaha ka ah xisbiga, kuwaasi oo ku codeyn doonaa nidaamka Boostada, ka dibna 22-ka bisha Luulyo ayaa lagu dhawaaqi doona qofka guuleysta.