Daawo, Kulan Qado sharaf ah oo aay isku Xogwaraysteen saraakiishii Ururkii SNM

0

Qaarkamida saraakiishii Ururkii Snm ee dib uxoraynta jamhuuriyada somaliland keenay ayaa maanta iskugu yimid kulan qado sharaf ah kaasi oo ujeedadiisu Ahayd sidii ay xog waran u kala heli lahaayeen qaybaha kala duwan ee saraakiisha SNM Dal iyo dibadba iskana warhayn lahaayeen.Sidoo kale kulan qado sharaf ah ayaa lagu sheegay in ujeedadiisu tahay sidii hogaamiyayaashii Ururkii SNM Uwada Ilaashan lahaayeen Qarankii ay lahaayeen guushiisa ee Jamhuuriyada Somaliland Tacab iyo taageeraba,

Muj Cismaan Arw Liqe iyo Mujaahid Ibraahim Dhagawayne ayaa faah faahin ka baxiyay ujeedada kulan Is xog waraysiga Ah  Iyagoo dhanka kale fariin udiray shacabka Somaliland iyo cidkasta oo kamida bulshada Somaliland.