Xidigii Kubada cagta ee sanadkii 1986 Maradona Wel wel Xanuun iyo qaliino La darsay,kana tagay kooxdii uu laylin jiray

0
Diego Maradona ayaa ka tagay kooxda kubadda cagta Dorados de Sinalao ee dalka Mexico sababo dhinaca caafimaadka ah.

Qareenkiisa oo lagu magacaabo Matias Morla ayaa sheegay in dhaqtarka Maradona uu kula taliyay inuu ka joogsado shaqada tababaranimo ee uu ka hayo Mexico, sababo la xiriira qalliino uu dhawaan ka mari doono garabka iyo jilibka.

Maradona ayaa leylinayay kooxda Dorados oo ka ciyaarta heerka labaad ee dalka Mexico muddo sagaal bilood ah. Wuxuu xiligaasi wacad ku maray inuu gaarsiin doono ciyaaraha heerka koowaad balse wali way ku jiraan heerka labaad.

Maradona, oo xulka Argentina kula guuleystay Koobka Aduunka sannadki 1986 ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah laacibiinti kubadda cagta ee aduunyada soo maray.